Somaliland Oo Qaramada Midoobay U Gudbisay Dacwad Ku Saabsan Maamulka Hawadeeda

Wednesday March 11, 2026 - 13:25:49
hadhwanaagnews
Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, ...


Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay dacwad u gudbisay hay’adda qaabilsan duulista hawada ee Qaramada Midoobay, si ay ula wareegto maamulka hawadeeda, isla markaana ay uga hortagto nidaamka E-visa ee dowladda Soomaaliya ku soo rogtay dadka u socda magaalada Hargeysa.


 

Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan si dhab ah u maamulin hawada Somaliland, isla markaana aysan buuxin shuruudaha looga baahan yahay maamulidda hawada, sida bixinta gurmadka diyaaradaha iyo maareynta adeegyada garoomada diyaaradaha ee Hargeysa iyo Berbera.


 

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Somaliland ay codsatay in hawadeeda loo maamulo qaab la mid ah nidaamyada loo adeegsado dalalka qayb ahaan la aqoonsan yahay, sida Kosovo iyo Taiwan.


 

Fu’aad Axmed Nuux ayaa xusay in Somaliland ay dacwadda u gudbisay hay’adaha caalamiga ah si ay u caddeyso in Soomaaliya aysan si toos ah u maamulin hawada Somaliland, isla markaana amarada ay sheegato aysan ka hirgelin deegaannada Somaliland. Wuxuu hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay MMTV.

     
Loading...