Wasiirka Ganacsiga: Dagaalka Bariga Dhexe oo Sababay Sicir-barar Saameeyay Somaliland

Wednesday April 01, 2026 - 02:52:46
hadhwanaagnews
Wasiirku wuxuu sheegay in dagaalkaasi sababay:



Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin ku saabsan saamaynta dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay ganacsiga caalamka iyo gudaha Somaliland.


 

Wasiirku wuxuu sheegay in dagaalkaasi sababay:

 

Hoos u dhac ku yimid isu-socodka ganacsiga caalamiga ah

Korodh xad-dhaaf ah oo ku yimid caymiska gaadiidka badda

Sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka iyo maciishadda


 

Wuxuu xusay in arrintani si toos ah u saamaysay Somaliland, iyadoo ay kor u kaceen qiimaha shidaalka iyo badeecooyinka aasaasiga ah, taas oo dhalisay sicir-barar saameeyay nolosha bulshada, gaar ahaan awoodda wax iibsiga ee muwaadiniinta.


 

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in korodhka ku yimid kharashaadka gaadiidka iyo soo dejinta alaabtu uu door weyn ka qaatay sicir-bararka, maadaama dhaqaalaha Somaliland uu si weyn ugu xidhan yahay ganacsiga dibadda.


 

Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa carrabka ku adkeeyey in sababaha ugu waaweyn ee xaaladdan ay ka mid yihiin isbeddellada suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan saameynta dagaalka Bariga Dhexe ee kor u qaaday qiimaha shidaalka, taas oo si silsilad ah u saameysay dhammaan badeecooyinka.


 

Dhanka kale, Wasiirku wuxuu sheegay in Wasaaradda Ganacsigu qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo sicir-bararka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:


 

Kormeer joogto ah oo lagu sameeyo suuqyada

La socodka qiimaha shidaalka iyo maciishadaha

Wadahadallo lala yeeshay ganacsatada


 

Tallaabooyinkan ayaa lagu doonayaa in lagu ilaaliyo xasilloonida suuqyada iyo qiimaha badeecooyinka, si loo yareeyo culayska dhaqaale ee saaran bulshada.

     
Loading...