hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Axmed Yaasiin Maxamuud Faarax, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka Gas M. ee ku yaalla xaafadda Masalaha, si uu indho-indhayn ugu sameeyo xaaladda guud ee garoonka iyo baahiyaha ka jira.
Kormeerka wasiirka waxaa ku weheliyay Guddoomiyaha Degmada Axmed Dhagax ee Dawladda Hoose Hargeysa, Agaasimaha Waaxda Garoomada, masuuliyiin ka tirsan waaxyaha ciyaaraha, maamulka, dhalinyarada, ICT-ga iyo la-taliyaha wasiirka ee arrimaha ciyaaraha.
Masuuliyiinta ayaa warbixinno ka dhagaystay maamulka iyo hawl-wadeennada garoonka, iyagoo qiimeeyay horumarka shaqooyinka socda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada ciyaaraha ee loo fidiyo dhalinyarada.