hadhwanaagnews
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa Golaha Wasiirrada
warbixin ka siiyey xaaladda guud ee kalluumaysiga dalka, isaga oo sheegay in
bilihii u dambeeyey ay soo hagaagtay wax-soo-saarka kalluunka iyo iibkiisa
suuqyada magaalooyinka waaweyn.
Wasiirku waxa uu xusay in korodhka isticmaalka kalluunka uu
la xidhiidho sare u kaca qiimaha hilibka iyo saamaynta abaaraha ee xoolaha,
taas oo keentay in dad badani u weecdaan isticmaalka kalluunka.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in inkasta oo ay jirto
horumar muuqda, haddana wax-soo-saarka kalluunka dalka uu weli hooseeyo marka
loo eego baahida jirta, isla markaana loo baahan yahay in la kordhiyo si loo
daboolo suuqyada gudaha iyo kuwa dalalka jaarka ah.
Wasiirka Kalluumaysiga ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu
ku hawlan tahay fududeynta helitaanka shahaadadaha caafimaadka ee caalamiga ah
ee kalluumaysatada, si loo xoojiyo dhoofka kalluunka Somaliland loona
ballaadhiyo suuqyada gobolka iyo kuwa caalamkaba.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in horumarinta kalluumaysigu ay
door muhiim ah ka qaadan karto koboca dhaqaalaha dalka, abuurista shaqooyin
cusub iyo kor u qaadista amniga cuntada.