hadhwanaagnews
London – Abaaro daba dheeraaday iyo kulayl aan caadi ahayn ayaa si weyn u saameeyey wax-soo-saarka beeraha Boqortooyada Midowday, iyadoo ku dhawaad saddex-meelood laba meel dhulka England uu wajahayo xaalad abaar ah.
England iyo Wales ayaa sidoo kale diiwaangeliyey bisha July ee ugu qallaylka badnayd tan iyo 1836-kii, sida ay werisay Al Jazeera.
Beeralayda ayaa sheegay in roob la’aanta iyo heerkulka sare ay sababeen in ciiddu qallasho oo dildilaacdo, taas oo hoos u dhigtay wax-soo-saarka qamadiga iyo dalagyada kale.
Khubarada beeraha ayaa ku baaqaya in la kordhiyo maalgelinta lagu horumarinayo dalagyo u adkaysta abaarta iyo cudurrada, isla markaana la fududeeyo dhismaha kayd-biyood loo isticmaali karo xilliyada qalalan.
Beeralayga Tom Pearson, oo ka shaqeeya beer qoyskiisu lahaa qarniyo badan, ayaa sheegay in inkasta oo uu muddo 11 sano ah ku hawlanaa dib-u-soo-nooleynta ciidda, haddana wax-soo-saarkiisu hoos u dhacay saddexdii sano ee u dambeeyey.
Pearson ayaa hadda tijaabinaya noocyo qadiimi ah oo qamadi ah oo leh xididdo dhaadheer, kuwaas oo la rumaysan yahay inay si wanaagsan ugu adkaysan karaan xaaladaha qalalan.
Abaaruhu waxay sidoo kale culays dhaqaale ku hayaan beeralayda, iyadoo sare u kacay qiimaha shidaalka iyo bacrimiyeyaasha, taas oo qayb ka ah khalkhalka ku yimid suuqyada tamarta iyo bacrimiyeyaasha caalamka.
Dowladda iyo hay’adaha beeraha ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan sidii loo heli lahaa xalal waara oo lagula tacaalo abaaraha iyo saamaynta isbeddelka cimilada, loona ilaaliyo wax-soo-saarka cuntada.