Wasiirka Beeraha Somaliland oo Mudnaan Siiyey Amniga Cuntada

Monday June 22, 2026 - 12:30:50
hadhwanaagnews
Wasiir Aadan Geeddi Qayaad ayaa yidhi:



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Aadan Geeddi Qayaad, ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee Wasaaraddu ay tahay xoojinta amniga cuntada iyo kordhinta wax-soo-saarka beeraha dalka.

 

Wasiirka ayaa xusay in qorshayaasha Wasaaraddu ay ka mid tahay hirgelinta siidh tayo leh oo u adkaysan kara isbeddelka cimilada, si loo kordhiyo wax-soo-saarka dalagyada loona yareeyo saamaynta cimiladu ku leedahay beeraha.

 

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay ganacsatada Somaliland inay maalgashi ku sameeyaan wax-soo-saarka gudaha, gaar ahaan dalagyada iyo badeecadaha dalka lagu beeran karo ee hadda dibadda laga soo dejiyo.

 

Wasiir Aadan Geeddi Qayaad ayaa yidhi:

 

"Waxaan rajaynayaa in muddada aan xafiiska joogo aan ka shaqayno amniga cuntadeenna oo aan soo kordhinno siidh tayo leh oo u adkaysanaya cimilada is beddeshay. Ganacsatada waxaan leeyahay waxyaabaha ay dibadda ka keenayaan ee aynu beeran karno waa inay dalkeenna ka beeraan oo maalgeliyaan, annaguna garab ayaanu taagan nahay.”

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in horumarinta beeraha gudaha ay muhiim u tahay xaqiijinta isku filnaanshaha cuntada, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.

     
Loading...