Athens Defense Forum Somaliland oo ka qayb gashay Shirka Difaaca Athens

Thursday May 21, 2026 - 15:35:41
hadhwanaagnews
Ka qaybgalka shirkaasi ayaa loo arkaa mid muujinaya dadaalka Somaliland



Somaliland ayaa si weyn uga dhex muuqatay masraxa caalamiga ah, iyadoo tallaabo cusub ka qaaday dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda kadib markii safiirkeedu ka qayb galay Athens Defense Forum, halkaas oo ay isugu yimaadeen madax dalal, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha amniga caalamka.


 

Ka qaybgalka shirkaasi ayaa loo arkaa mid muujinaya dadaalka Somaliland ee ay ku ballaadhinayso xidhiidhadeeda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amniga, iyadoo doonaysa inay xoojiso mawqifkeeda siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee gobolka iyo caalamkaba.


 

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Geeska Afrika ay ka jiraan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni, iyadoo sidoo kale la hadal hayo taageerada sii kordhaysa ee Turkey uu siiyo dowladda federaalka Soomaaliya. Somaliland ayaa muddooyinkii dambe kordhinaysay dadaallada ay ku doonayso inay ka dhex muuqato fagaarayaasha caalamiga ah ee siyaasadda iyo amniga.

     
Loading...