Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo ka digay falal ka hor imanaya qaranimada Somaliland

Thursday May 21, 2026 - 14:34:17
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa amar cad siiyey laamaha amniga dalka, isagoo sheegay



Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland aanay dib dambe ugu dulqaadan doonin cid kasta oo ku kacda falal ka hor imanaya qaranimada Somaliland, isagoo xusay in tallaabo adag laga qaadi doono isla markaana sharciga la marin doono.


 

Wasiirka ayaa amar cad siiyey laamaha amniga dalka, isagoo sheegay inay waajib ku tahay inay tallaabo ka qaadaan qof kasta oo lagu helo falal lid ku ah qaranimada Somaliland.


 

"Sharciga ayaa la waafajinayaa, tallaabo cad ayaana laga qaadaya ninka qaranimada Somaliland ka hor yimaadda, loomana dulqaadan doono dib dambe, hay’adaha amniguna amar ayay ku qabaan inay tallaabo ka qaadaan, sheekh iyo shariifba ka uu doono ha noqdee,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL.

     
Loading...