Wasaaradda Diinta Somaliland Oo Soo Gebogabaysay Barnaamij Wacyigelin Ah Oo Laga Fuliyey 53 Hay'adood

Wednesday March 11, 2026 - 13:54:40
hadhwanaagnews
Sheekhu wuxuu sheegay in muddadii uu socday barnaamijku ....



Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabaysay barnaamij wacyigelin diini ah oo sanad kasta bisha barakaysan ee Ramadaan laga fuliyo Wasaaradaha, hay’adaha dawladda iyo talisyada ciidamada.


 

Madaxa Dacwada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Nuur Maxamuud Jaamac, ayaa warbaahinta u sheegay in barnaamijkan wacyigelinta ah laga fuliyey 53 hay’adood oo isugu jira wasaarado, hay’ado madax-bannaan iyo talisyada ciidamada.


 

Sheekhu wuxuu sheegay in muddadii uu socday barnaamijku la qaybiyey 7,350 masxaf oo Qur’aanka Kariimka ah, kuwaas oo la gaadhsiiyey hay’adaha kala duwan ee lagu qabtay wacyigelinta.


 

Wuxuu sidoo kale xusay in wacyigelinta diiradda lagu saaray fadliga iyo axkaamta bisha barakaysan ee Ramadaan, ilaalinta masuuliyadda shaqo ee qof kasta hayo, iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta waqtiga iyo hantida ummadda.


 

"Wacyigelinta aanu ka fulinay hay’adahaas kala duwan waxa aanu diiradda ku saarnay fadliga iyo axkaamta bisha Ramadaan, ilaalinta masuuliyadda shaqo ee qof kasta hayo, iyo sidoo kale ilaalinta waqtiga iyo hantida ummadda,” ayuu yidhi Sheekh Nuur Maxamuud Jaamac oo waraysi siiyey Telefishanka Qaranka Somaliland.


 

Madaxa Dacwadu waxa uu intaa ku daray in fulinta barnaamijkan ay ka qayb qaateen 45 xubnood oo isugu jiray culimada wasaaradda, shaqaale iyo warbaahinta wasaaradda. Ugu dambayn, wuxuu u mahadceliyey hay’adihii lagu qabtay barnaamijka wacyigelinta, isagoo uga mahadnaqay soo dhoweyntii ay u sameeyeen culimada iyo hawl-wadeenada fulinayey barnaamijka.

     
Loading...