HADHWANAAGNEWS
Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Fu’aad Axmed Nuux, oo booqasho shaqo ku tagay deegaanka Allaybaday ee gobolka Gabiley, ayaa sheegay in deegaankaasi uu ka mid yahay meelaha mudnaanta koowaad leh ee xukuumaddu qorshaysay in waxqabad muuqda laga hirgeliyo.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in xukuumaddu ay qorshaynayso horumar ballaadhan oo ka hirgala guud ahaan dalka, iyadoo Allaybaday ay ka mid tahay deegaanada si gaar ah loo eegayo.
Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi:
"Allaybaday waxay ka mid tahay deegaanada muhiimka ah ee ay Dawladdu doonayso in wax laga qabto, iyada oo guud ahaan qaranka oo dhan wax laga qabanayo.”
Hadalka Wasiirka ayaa muujinaya dadaallada xukuumadda ee ku aaddan gaadhsiinta adeegyada iyo horumarinta deegaannada dalka oo dhan, si loo xaqiijiyo horumar loo siman yahay.
Booqashadan ayaa sidoo kale qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo xidhiidhka xukuumadda iyo bulshada, iyo qiimaynta baahiyaha dhabta ah ee deegaannada.