Dhakhaatiirta Xoolaha oo Hawlgal Daaweyn ah Ka Fuliyey Degmada Sheekh

Saturday March 28, 2026 - 14:56:30
HADHWANAAGNEWS
Taageeridda bulshada xoolo dhaqatada ah



Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka Saaxil, gaar ahaan kuwa degmada Sheekh, ayaa maanta fuliyey hawlgal daaweyn xoolaha ah oo loogu adeegayay qoysas xoolo dhaqato ah oo ku nool nawaaxiga degmadaasi.


 

Hawlgalka ayaa lagu daweeyay xoolo kala duwan, iyadoo diiradda la saaray ka hortagga cudurrada, daaweynta xanuunada iyo wacyigelinta xoolo dhaqatada si loo ilaaliyo caafimaadka xoolaha.


 

Wasaaradda ayaa si joogto ah u waddo adeegyada noocan oo kale ah, iyadoo ujeeddadu tahay:


 

Taageeridda bulshada xoolo dhaqatada ah


Horumarinta wax soo saarka xoolaha


Ilaalinta caafimaadka xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka


 

Masuuliyiinta wasaaradda ayaa xusay in ay qorshaysan tahay in adeegyada caafimaadka xoolaha si joogto ah loo gaadhsiiyo deegaannada miyiga ah, si loo xoojiyo horumarka xoolaha iyo nolosha bulshada reer miyiga.

     
Loading...