Sheekh Dirir oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Walaalaha ah ee Colaadu ku Dhexmartay Awdal iyo Selel

Thursday April 09, 2026 - 20:09:11
HADHWANAAGNEWS
Sheekhu waxa uu tilmaamay in colaadaha sokeeye ay yihiin kuwo khasaare



Sheekh Dirir ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ay dirirtu ku dhexmartay gobollada Awdal iyo Selel, isaga oo ku booriyey inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda una noqdaan wada hadal iyo is-afgarad.


 

Sheekhu waxa uu tilmaamay in colaadaha sokeeye ay yihiin kuwo khasaare weyn u geysta bulshada, isla markaana aan wax faa’iido ah laga dhaxlin, halka uu carrabka ku adkeeyey in nabaddu tahay dariiqa kaliya ee lagu gaadhi karo horumar iyo xasillooni waarta.


 

Wuxuu ugu baaqay odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada labada dhinac inay qaataan doorkooda nabadaynta, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo damin lahaa xiisadda jirta, loogana fogaan lahaa wax kasta oo hurin kara colaadda.


 

Sheekh Dirir ayaa sidoo kale bulshada xusuusiyey qiimaha walaaltinimada iyo wada noolaanshaha, isaga oo ku adkeeyey in la ilaaliyo midnimada iyo isku duubnida bulshada, si looga hortago dhibaatooyin hor leh.


 

Ugu dambayn, wuxuu ku baaqay in la xoojiyo nabadda la gaadhay, lana ilaaliyo si loo helo mustaqbal ka wanaagsan oo ay ku naaloodaan jiilasha soo koraya.

     
Loading...