hadhwanaagnews
Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xasan, ayaa sheegay in waddada isku xidha Borama iyo Lowyo-caddo ay tahay waddadii saddexaad ee dheer ee ay xukuumaddu bilowdo tan iyo markii ay talada dalka la wareegtay.
Guddoomiyaha ayaa waddooyinka ku tilmaamay tiir muhiim u ah kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarka dalka, isaga oo xusay in mashruucani door weyn ka qaadan doono isku xidhka gobollada iyo koboca ganacsiga.
Xirsi Cali Xasan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay nabaddu u leedahay horumarka iyo maalgashiga dalka, isaga oo bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ilaalinta iyo adkaynta nabadda Somaliland.
Waxa uu yidhi:
"Waddada Lowyo-caddo iyo Borama waa waddadii saddexaad ee waddo dheer ah ee intii xukuumaddani timi ay bilowdo, waddooyinkuna waa kaabayaashii dhaqaalaha, waana horumar weyn waddadani oo isku xidhaysa gobollo iyo dal kale.”
Guddoomiyaha WADDANI ayaa sidoo kale sheegay in shirkadaha iyo mashaariicda horumarineed ee dalka imanayaa ay ku yimaadeen nabadda jirta.
"Shirkadahan waddada dhisayaa waxay ku yimaadeen waa nabadda. Haddii aan nabad jirin horumar iyo nololi ma jiri doonto, innaguna aan nabadda ku tacabno,” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye Xirsi Cali Xasan.