Wasiir Ku-Xigeenka Duulista Jsl Oo Shacabka Ugu Baaqay Inay La Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka

Sunday May 17, 2026 - 11:40:08
hadhwanaagnews
Wasiir Ku-xigeenka ayaa sheegay in shacabka Somaliland looga baahan....



Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa sheegay in Somaliland ay muddo 34 sano ah kasoo gudbaysay duruufo adag iyo cadaadisyo kala duwan, balse ay maanta ku tallaabsanayso guulo iyo horumar la taaban karo.


 

Wasiir Ku-xigeenka ayaa sheegay in shacabka Somaliland looga baahan yahay inay door muuqda ka qaataan sugidda nabad-galyada, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka dalka.


 

Yuusuf Kayse Cabdillaahi ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada inay ciidamada la wadaagaan xog kasta oo ay uga shakiyaan inay halis ku tahay amniga iyo xasilloonida dalka, si loo xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha ammaanka.

     
Loading...