Wasiir Cabdalle Carab Oo Sheegay In Jidka Awdal Iyo Selel Yahay Kan Ugu Dhibka Badan Somaliland

Thursday May 14, 2026 - 10:26:36
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa xusay in afartii bilood ee u dambeysay uu toddoba jeer



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa si qiiro leh uga hadlay xaaladda adag ee waddada isku xidha gobollada Awdal iyo Selel, isaga oo sheegay in ay tahay waddada ugu dhibka badan ee uu Somaliland ku arkay.


 

Wasiirka ayaa xusay in afartii bilood ee u dambeysay uu toddoba jeer safarro ku maray labada gobol, isla markaana uu jidka xun awgiis ku beddelay laba gaadhi oo cusub.


 

Cabdalle Carab ayaa tilmaamay in waddadu tahay mid leh ciid badan iyo buuro adag oo gaadiidka ku ah caqabad weyn, taas oo dhibaato ku haysa shacabka iyo ganacsatada isticmaasha jidkaasi.


 

Waxa uu sheegay:

 

"Mashruucani si gaar ah ayuu ii taabanayaa. Afartii bilood ee la soo dhaafay waxaan ka shaqeynayay labada gobol ee Selel iyo Awdal, toddoba jeer ayaan iskaga daba noqday, waxaanan beddelay laba gaadhi oo markii aan watay cusub ahaa.”


 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatada waddadani tahay mid aanu ku arag meel kale oo Somaliland ah.


 

"Jidkaasi dhibaatada uu leeyahay Somalilandta kale kumaan arag, mar waa ciid oo baabuurtu ku hafanayaan, marna waa buur adag oo laga baxayo, ganacsataduna dhibaato weyn ayay ku qabaan,” ayuu yidhi.


 

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa shacabka gobollada Awdal iyo Selel ugu baaqay inay taageeraan dhismaha jidkan, isaga oo tilmaamay in waddadani muhiim u tahay badbaadada bulshada, horumarka iyo nabadgelyada dalka.


 

"Qof haddii abeeso qaniinto inta la soo wado ayuu jidka ku geeriyoonayey. Horumarku waa nabadgelyo, jidkaasina nabadgelyo ayuu ku dhismayaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Cabdalle Maxamed Carab.

     
Loading...