Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal Oo Sheegay In Aan Somaliland Laga Dumin Karin Gobolka Awdal

Thursday May 14, 2026 - 10:28:40
hadhwanaagnews
Siyaasi Abgaal oo ku sugan dalka Mareykanka, isla markaana



Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal oo ka mid ah guddida Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in aanay jirin wax suurtagal ka dhigaya in Somaliland laga dumiyo gobolka Awdal ama ay halkaasi ka yimaadaan dhibaatooyin lid ku ah qaranka.


 

Siyaasi Abgaal oo ku sugan dalka Mareykanka, isla markaana la hadlayay bulshada Somaliland ee ku nool magaalada Minneapolis, ayaa ugu baaqay shacabka inaanay wakhti ku lumin wararka been abuurka ah iyo hadallada lagu kala fogeynayo bulshada.


 

Waxa uu xusay in bulshada gobolka Awdal ay door weyn ku lahaayeen dhismaha iyo adkaynta qarannimada Somaliland.


 

Wuxuu yiri:


 

"Awdal baa Somaliland laga duminayaa, wakhti ha isaga luminina oo ha ka werwerina.”


 

Sidoo kale, Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal ayaa bulshada reer Somaliland ee ku nool Mareykanka ugu baaqay inay si weyn u muujiyaan qadiyadda Somaliland inta lagu guda jiro xuska 18-ka May, isla markaana ay qabtaan dabaaldegyo waaweyn oo lagu xusayo maalintan muhiimka ah.

     
Loading...