hadhwanaagnews
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland, Axmed Toorno, ayaa ka hadlay caqabadihii iyo cadaadisyadii uu la kulmay xilligii uu go’aansaday in la mideeyo dirayska ay xidhaan ardayda iskuullada Somaliland.
Axmed Toorno ayaa sheegay in tallaabadaasi ay si weyn u saamaysay ganacsiyo iyo shaqsiyaad dhaqaale ka heli jiray iibinta noocyada kala duwan ee diraysyada, taas oo dhalisay cabashooyin iyo cadaadis xooggan oo dhankiisa ah.
Wuxuu xusay in xilligaas uu dareemayay cabsi amni oo la xiriirtay go’aanka uu qaatay, isagoo yiri:
"Markii aan mideeyay dirayska ay carruurtu iskuullada u xidhaan, waxaan ka baqayay in la igu dilo arrintaasi.”
Sidoo kale, wasiirkii hore ayaa sheegay in ilaa maanta ay jiraan dad weli u soo dira fariimo cabasho ah, kuwaas oo ku eedaynaya inuu sababay khasaare dhaqaale.
"Qaar baa fariimo ii soo dira oo yidhaahda: Shan milyan baad na khasaarisay.”