Wasiirka Biyaha JSL: "Yoolka Madaxweyne Cirro Waa In Dalka Laga Saara Biyo-dhaamiska"

Saturday March 28, 2026 - 14:46:24
HADHWANAAGNEWS
Sidoo kale, Wasiirka ayaa bulshada ugu baaqay:



Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland mudnaan gaar ah siinayo sidii dalka looga saari lahaa biyo-dhaamiska, loona gaadhi lahaa isku filnaansho dhinaca biyaha ah.


 

Wasiirka oo waraysi siiyay Muuq-baahiyaha Qaranka ayaa yidhi:


"Madaxweynuhu hamigiisu waa in laga baxo biyo-dhaamiska oo la isku filnaado.”


 

Mudane Abubakar Good ayaa tilmaamay in istaraatijiyadda Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ee dhinaca biyaha ay tahay mid ka mid ah ahmiyadaha koowaad, isla markaana wasaarad ahaan ay ku hawlan yihiin hirgelinta qorshayaal lagu gaadhayo biyo ku filan oo bulshada wada gaadha.


 

Sidoo kale, Wasiirka ayaa bulshada ugu baaqay:


 

Inay ka faa’iidaystaan biyaha roobka oo ay kaydsadaan


Inay ka fogaadaan goobaha daadadku maraan si looga badbaado khataraha


 

Dhanka kale, Wasiirku waxa uu shaaciyay in dhawaan khubaro ka tirsan Wasaaradda Biyaha loo diri doono dalka Israa’iil, si ay u soo qaataan aqoon iyo khibrad hor leh oo lagu horumarinayo maamulka biyaha dalka.


 

Hadalkan ayaa muujinaya dadaallada xukuumaddu ku doonayso in la helo xal waara oo dhinaca biyaha ah, lagana gudbo caqabadaha soo noqnoqda ee biyo yaraanta.

     
Loading...