HADHWANAAGNEWS
Duqa Caasimadda Hargeisa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa bogaadiyey ciidamada Booliska Somaliland sida ay u adkeeyeen sugidda amniga Suuqa Waaheen, xilli ay bulshada si weyn ugu mashquulsan yihiin wax iibsiga dharka iyo agabka Ciidda Eid al-Fitr.
Duqa magaalada ayaa sheegay in ciidamo badan la geeyay suuqa si loo ilaaliyo ammaanka ganacsatada iyo dadka wax iibsanaya, maadaama uu suuqu aad u mashquul yahay maalmaha ka horreeya ciidda.
Baaq ku Saabsan Ilaalinta Amniga
Cabdikariim Axmed Mooge wuxuu bulshada ugu baaqay inay ka qayb qaataan ilaalinta amniga, isla markaana ay feejignaadaan si looga hortago tuugada iyo cid kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso nabadda.
Duqa caasimadda ayaa sidoo kale u rajeeyey ganacsatada iyo bulshada barwaaqo, isagoo Alle uga baryey in maalmaha ciiddu noqdaan kuwo kheyr iyo barako leh.
Wuxuu yidhi:
"Waxa aanu ku faraxsanahay in aanu idin soo booqano, waxaanu sidnaa duco iyo in maalka Alle idin barakeeyo oo iidani noqoto mid dhaqaale fiican. Waxa aynu rabnaa amniga inaynu adkaysano, hareeraha eegno oo tuuga iska eegno.”
Mahadnaq loo Jeediyey Ciidanka Booliska
Duqa Hargeysa ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey ciidamada booliska ee habeen iyo maalin u taagan sugidda amniga, isaga oo sheegay in Suuqa Waaheen si adag loo ilaaliyo.
Wuxuu intaas ku daray:
"Waxaan u mahadnaqayaa ciidanka booliska ee habeen iyo maalin taagan ee amniga inoo sugaya, ciidamadeenna Alle ha barakeeyo.”