Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Hargeysa Kala Tukaday Salaadda Ciidda, Kuna Baaqay Midnimo, Naxariis iyo Mas'uuliyad Qaran

Friday March 20, 2026 - 18:00:27
hadhwanaagnews
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay ...



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Salaadda Ciidul-Fidriga kula tukaday kumannaan shacab ah Masjid Jaamaca Weyn ee magaalada Hargeysa, halkaas oo si wadajir ah loogu oogay salaadda ciidda.


 

Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ummadda Somaliland gudaha iyo dibaddaba, isaga oo ugu duceeyay in Alle ka aqbalo cibaadadii bisha barakaysan ee Ramadaan.


 

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada qaranka, ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, isaga oo tilmaamay in nabaddu tahay hanti qaran oo u baahan in si wadajir ah loo ilaaliyo loona xoojiyo.


 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ganacsatada dalka ugu baaqay inay muujiyaan mas’uuliyad qaran iyo naxariis, gaar ahaan xilligan ay dunida ka jiraan colaado iyo duruufo adag, isla markaana ay ilaaliyaan xasilloonida suuqyada iyo danta guud ee bulshada.


 

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan walaalahooda ay saameeyeen abaaruhu, isaga oo ku dhiirrigeliyay isu naxariisasho, is-caawin iyo isku duubni si looga gudbo xaaladaha adag ee jira.


 

Ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland ayaa shacabka u bushaareeyay in khayr badan uu dalka u soo socdo dhawaan, isaga oo Alle SWT ka baryay in uu aqbalo cibaadada ummadda, kana dhigo mid ay ku helaan kheyr, barwaaqo iyo nabad waarta.

     
Loading...