hadhwanaagnews
Roobabkii xilliga Gu’ga ayaa ka curtay deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, xilli ay dalka ka jirtay abaar baahsan oo saameysay bulshooyin badan.
Roobabkan ayaa lagu tilmaamay kuwo rajo gelinaya dadka iyo xoolo-dhaqatada, kuwaas oo muddo la daalaa dhacayay biyo-yaraan iyo daaq la’aan.
Dadka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay roobka, iyaga oo Alle uga mahadceliyay nimcada roobka, isla markaana rajaynaya in uu sii socdo si loo yareeyo saamaynta abaarta.
Roobabkan ayaa sidoo kale la filayaa inay wax ka beddelaan nolosha dadka reer miyiga ah, iyaga oo kor u qaadaya helitaanka biyaha iyo daaqa xoolaha.
Inkasta oo roobku bilaabmay, haddana khubaradu waxay tilmaamayaan in loo baahan yahay roobab joogto ah si si buuxda looga baxo xaaladda abaareed ee dalka ka jirta.