hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaag) – Munaasibad ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah loogu saxeexay qandaraaska mashruuca koronto-ballaadhinta magaalada Borama, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo hay’adaha la shaqeeya.
Mashruucan ayaa leh awood dhan 8 MW DC / 6.8 MW AC Solar PV Power Plant, iyo 20 MWh Battery Energy Storage System (BESS), sidoo kale waxa ku jira xadhig koronto oo dhererkiisu yahay 5 km noociisuna yahay 33 kV, kaas oo loogu talagalay qaadista korontada.
Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunku, isla markaana ay fulinayso Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, ayaa ujeeddadiisu tahay in bulshada Borama ay hesho koronto jaban, badqabta, la isku halayn karo, isla markaana ka timaadda ilo nadiif ah oo deegaanka aan waxyeello u geysan.
Intii ay socotay munaasibaddu, masuuliyiin kala duwan ayaa hadallo ka jeediyay, kuwaas oo sharaxay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucu, isla markaana muujiyay muhiimadda uu u leeyahay horumarka dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Masuuliyiinta shirkadaha ku lugta leh mashruuca ayaa iyaguna balan qaaday inay si tayo leh u fulin doonaan mashruuca, isla markaana bulshada Borama ka faa’iidaysiin doonaan koronto jaban oo la isku halayn karo.
Dhanka kale, xubnaha Golaha Wakiillada ee ka hadlay munaasibadda ayaa bogaadiyay hannaanka daahfurnaanta ee loo maray bixinta qandaraaska, iyaga oo xusay in korontadu tahay laf-dhabarta horumarka dhaqaale ee dalka.
Gabagabadii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud, ayaa kula dardaarmay qandaraaslaha ku guulaystay mashruuca inuu ilaaliyo tayada shaqada, isla markaana ku dhammeeyo waqtigii loo cayimay, si bulshada Borama ay u hesho adeeg koronto oo casri ah, badqaba, isla markaana deegaanka u wanaagsan.