Jigjiga: Suuqa Kaali oo Gabi ahaanba Gubtay, Dhaliilo Loo Jeediyay Maamulka Magaalada

Sunday March 22, 2026 - 11:02:48
hadhwanaagnews
Shacabka deegaanka ayaa si weyn u dhaliilay Maayirka

May be an image of fire


Dab xooggan oo xalay ka kacay Suuqa Kaali ee ku yaalla magaalada Jigjiga ayaa sababay in suuqaasi si buuxda u gubto, iyadoo la sheegay khasaare weyn oo hantiyeed.


 

Shacabka deegaanka ayaa si weyn u dhaliilay Maayirka Jigjiga iyo masuuliyiinta maamulka, iyaga oo ku eedeeyay in magaalada ay ka jirto baahi weyn oo dhinaca dab-damiska ah, taas oo keentay in dabku si fudud u faafo.


 

Maayirka Jigjiga oo saaka gaaray goobta uu dabku ka kacay ayaa sheegay in aanay jirin dab-damis la’aan, isla markaana magaalada ay yaallaan shan gaadhi oo dab-damis ah, kuwaas oo laba ka mid ahi ay ku sugan yihiin xarunta madaxtooyada deegaanka.


 

Dhacdadan ayaa noqotay suuqii labaad ee gubta magaalada Jigjiga muddooyinkii u dambeeyay, iyadoo hore u gubtay Suuqii weynaa ee Taywaanka, kaas oo markaas gurmad ay ka geysteen ciidamada dab-damiska Somaliland.


 

Dabka Suuqa Kaali ayaa mar kale iftiimiyay baahida loo qabo xoojinta adeegyada dab-damiska iyo ka hortagga masiibooyinka, si looga badbaado khasaare noocan oo kale ah mustaqbalka.

     
Loading...