hadhwanaagnews
Qaar ka mid ah warbaahinta ka hawlgasha magaalada Gabiley ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, la filayo inuu maalinta berri ah ciidda kala qaybgalo shacabka magaaladaasi.
Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu safar ku tegi karo Gabiley si uu halkaas ugula tukado salaadda Ciidda isla markaana shacabka ula qaybsado munaasibadda Ciidul Adxa.
Hase yeeshee, ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland ama Madaxtooyada oo si cad u xaqiijinaya safarka Madaxweynaha ee magaalada Gabiley.
Sidoo kale, lama shaacin jadwal rasmi ah oo la xidhiidha halka uu Madaxweynaha ku tukan doono salaadda Ciidda ee sannadkan.
Wararka la xidhiidha safarka Madaxweynaha ayaa weli ku kooban xogaha ay baahinayaan qaar ka mid ah warbaahinta gudaha, iyadoo shacabka iyo masuuliyiintuba sugayaan war rasmi ah oo arrintaasi caddeeya.