hadhwanaagnews
Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan la yeelatay maamulayaasha iyo mulkiilayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta, u hoggaansanaanta shuruucda shaqada iyo kor u qaadista wacyiga la xidhiidha xuquuqda iyo waajibaadka goobaha shaqada.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyey xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha, habraacyada shaqo-qorista ee uu dhigayo Xeerka Shaqaalaha, iyo sida si waafaqsan sharciga loogu xallin karo khilaafaadka ka dhasha goobaha shaqada.
Agaasimayaasha Waaxaha Shaqaalaha iyo Shaqo-abuurka ee Wasaaradda, oo furay kulanka, ayaa ku boorriyey maamulka iyo mulkiilayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay inay si buuxda u ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha, una hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka shaqada, iyagoo xusay in arrintaasi muhiim u tahay abuurista jawi shaqo oo wanaagsan iyo kor u qaadista tayada adeegyada waxbarashada.
Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa soo bandhigay su’aalo iyo talooyin la xidhiidha xeerarka shaqada iyo habraacyada shaqaalaysiinta, kuwaas oo masuuliyiinta Wasaaraddu ka bixiyeen faahfaahin iyo jawaabo, iyagoo adkeeyey muhiimadda wada-shaqaynta si loo xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo hirgelinta shuruucda shaqada.