Madaxweyne Cirro: "Safarkii Maraykanka Waxaan Kala Soo Noqonnay Kalsooni Iyo Rajo Aad U Sarreysa"

Thursday October 15, 2026 - 13:45:35
hadhwanaagnews
"Safarkii Maraykanka, waxaan kala soo noqonnay kalsooni iyo rajo aad



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in safarkii uu ku tegay dalka Maraykanka uu kala soo noqday kalsooni iyo rajo sare oo uu sheegay inay wax ka tari doonaan mustaqbalka Somaliland.

 

Madaxweynaha ayaa xusay in safarku qayb ka ahaa dedaallada siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, isaga oo muujiyey inuu rajo weyn ka qabo natiijooyinka laga filayo iyo saamaynta ay ku yeelan karaan mustaqbalka dalka.

 

"Safarkii Maraykanka, waxaan kala soo noqonnay kalsooni iyo rajo aad u sarreysa oo midhihiisu ay wax ka tari doonaan mustaqbalka Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

 

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey ay dalka dib ugu soo laabteen, iyaga oo soo dhammeystay safarro shaqo oo ay ku tageen Maraykanka iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha ayaa safarradan ku tilmaamay kuwo la xidhiidha dedaallada lagu xoojinayo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo danaha istiraatiijiga ah ee Somaliland.

     
Loading...