Booliska Somaliland oo Sannadkan Baadhay 22,380 Kiis oo Dembiyo Kala Duwan ah

Wednesday November 04, 2026 - 13:50:21
hadhwanaagnews
Isaga oo ka hadlayey kiisaska dilalka ee sannadkan dhacay, ayuu sheegay



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Sare Ibraahin Cabdi Xaashi, ayaa shaaciyey tirakoobka kiisaska dembiyada kala duwan ee ciidanku sannadkan ka hawlgaleen, kuwaas oo tiradoodu gaadhay 22,380 kiis.

 

Gaashaanle Sare Ibraahin Cabdi Xaashi ayaa sheegay in 8,742 kiis ay ku dhammaadeen maxkamadaha, halka 9,068 kiis heshiis laga gaadhay.

 

Waxa uu intaas ku daray in baadhitaanno kadib 4,570 kiis aan caddayn loo helin, halka kiisaska kale ay ku jiraan marxalado kala duwan oo baadhis iyo dabagal ah.

 

82 dil oo sannadkan la diiwaangeliyey

 

Isaga oo ka hadlayey kiisaska dilalka ee sannadkan dhacay, ayuu sheegay in guud ahaan la diiwaangeliyey 82 dil oo ay ku lug lahaayeen 88 eedaysane.

 

Waxa uu xusay in 83 ka mid ah eedaysanayaasha la qabtay, halka afar kale ay weli baxsad yihiin, isla markaana ay ciidamadu baadi-goob ugu jiraan.

 

254 kiis oo kufsi ah

 

Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidanku sannadkan la tacaaleen 254 kiis oo kufsi ah, kuwaas oo tirada eedaysanayaashu sidoo kale ahayd 254 qof.

 

Kiisaskaasi waxay u kala baxeen sidan:

 

82 kiis: Caddayn loo waayey.

 

32 kiis: Weli baadhis ku jira.

 

46 kiis: Ku jira gar-sugayaal.

 

94 kiis: Ku dhammaaday maxkamadaha.

 

Tirakoobka shilalka

 

Dhanka kale, xogta la soo bandhigay ayaa muujinaysa in sannadkan dalka laga diiwaangeliyey 5,893 dhimasho oo la xidhiidha shilal, halka 4,375 qof ay dhaawacyo ka soo gaadheen shilalkaasi.

 

Tirakoobkan ayaa muujinaya baaxadda kiisaska kala duwan ee Ciidanka Booliska Somaliland sannadkan ka hawlgaleen, kuwaas oo isugu jira dembiyo kala duwan, dilal, kufsi iyo shilal.

     
Loading...