Guddida nabadgelyada gobolka Selel ayaa kulan degdeg ah ku yeeshay magaalada Saylac, kaas oo lagaga hadlay xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka. Kulankan guddida nabadgelyada waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha Ciidanka Qaranka ee aaga xeebaha galbeed ee Somaliland Jeneral Yuusuf Iimaan Diiriye iyo Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdi Muuse Cabdillaah.
Guddidu waxay si cad u muujiyeen inaan loo dulqaadan doonin waxkasta oo halis ku ah amniga iyo midnimada bulshada. Waxay digniin adag u direen dhammaan cid kasta oo ku hawlan falal amni-darro ah, ha ahaadeen odayaal, dhallinyaro ama cid kale, iyaga oo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono qof kasta oo lagu helo inuu ku kacay falal nabadgelyo-darro keeni kara.
Guddoomiyaha gobolka Selel, Mudane Cabdi Siciid Faahiye, ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka gobolka Selel uu si dhow ula socdo waxyaabaha lagu faafinayo baraha bulshada, isaga oo xusay in ay inay jiraan dad isku dayaya inay kala fogeeyaan bulshada gobolka ku wada nool. Wuxuu yidhi "Dalka Somaliland waa la wada leeyahay, lama kala laha, sidaas darteedna lama oggola cid kasta oo ku kacda falal sharci-darro ah. Maamulka gobolka Selel si dhow ayuu ula socdaa dhallinyarada yar yar iyo waxa ay baraha bulshada ka wadaan, sidoo kale waxa aanu ognahay ficillada dadka la midka ah ee odayaasha ah ee isku dayaya inay kala fogeeyaan shacabka walaalaha ah ee gobolka Selel ku wada nool.
Cid kasta oo ku hadasha hadallo aflagaado ah, ama isku dayda inay dadka isku dirto, ha noqoto gobolka Selel ama guud ahaan shacabka Somaliland sharcigu ma oggola, annaguna ma ogolin. Waxaana si toos ah looga qaadayaa tallaabo waafaqsan sharciga.”
Sareeye Gaas Cabdi Muuse Cabdillaahi, Taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska, ayaa isna sheegay in amniga magaalada Saylac iyo guud ahaan ka gobolka Selel uu yahay mid sugan, isagoo digniin u diray dad uu sheegay in ay wadaan falal amni darro ah. Wuxuu yidhi: "Waxa aanu ka hadlaynaa hawsha ka jirta Magaalada Saylac waxa aanu siinaynaa digniin dadka Magaalada soo galay meel kasta haka yimaadaane, Saylac maaha dhul cusub oo la helay oo la kala boobayo ee waa magaalo qadiimiya oo la yaqaano. Dadka walaalaha ah ee halkan dagan intii daganayd way dagan yihiin. Cid buuq la timaada ka yeeli mayno, amnigana waxa ka masuula dawlada. Dadkan soo galay Magaalada ee fidmada ka wada waxa aanu digniin ku siinaynaa in Magaalada iskaga baxaan, nin waliba halkii uu ka yimid ha ku noqdo. Amni daro ayaa laga abuurayaa, waxaa laysku dirayaa dadka walaalaha ah, dawladu talaabo ayay ka qaadi doontaa ninka ka bixi waaya magaalada”.
Sidoo kale taliyaha aaga galbeed ee Ciidanka qaranka Somaliland Yuusuf Iimaan Diiriye ayaa waxa uu tilmaamay in aan loo dul qaadan doonin in nabedgalyo darro laga abuuro Magaalada Saylac. Waxaana uu yidhi "Gacanta ayaanu ku haynaa xaalada nabadgalyo ee degmada Saylac, wax loo dul qaadanayo maaha in nabedgalyo darro la abuuro. Dawladnimada iyo sharciga ayaa shaqaynaya cidina sharciga kama sarrayso, anagu ka garqaadi mayno halkan reer hebel ayaa leh, anagu waxa aanu xukumaynaa nabedgalyada cid kasta oo la timaada nabegalyo xumo talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadayaa, dawladnimada ayaa shaqaynaysa.”
Go’aamadan adag ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ilaalinayo nabadda, laguna hubinayo in shacabka gobolka Selel ay ku noolaadaan jawi deggan oo ammaan ah. Guddidu waxay hoosta ka xariiqeen in xasilloonidu tahay tiirka horumarka, isla markaana aanay jiri doonin cid ka sarreysa sharciga.
Fariintan adag ee ka timi saraakiisha sare ee booliska iyo ciidanka qaranka waxay muujinaysaa sida ay xukuumadda uga go’an tahay in ay sugto xasiloonida gobolka Selel, gaar ahaan magaalada Saylac. Waa fariin cad oo loo dirayo dadka doonaya inay khalkhal geliyaan wada noolaanshaha iyo midnimada shacabka, sidoo kale waxa muujinaysaa in aanay jirin cid ka sarreysa sharciga, isla markaana dawladdu ku dhaqmi doonto awooddeeda si loo ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta bulshada.