hadhwanaagnews
Wefti heer sare ah oo ka kooban wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal, ayaa shacabka kula Tukaday salaaddii Jimcaha masaajidka weyn ee magaalada. Waxaana halkaasi si faah faahsan loogu lafaguray muhiimadda ay nabadgelyadu u leedahay horumarka iyo wadajirka bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdale Maxamed Carab, oo khudbad u badan Nabada iyo Horumarka ka jeediyey goobta, ayaa xusay in gobolka Salal uu ka mid yahay meelaha ugu amniga badan dalka. Waxa uu shacabka u sheegay in Eebbe ku mannaystay gobol barwaaqo ah oo hodan ah, balse ay nimcadaasi midho dhal noqon karto oo keliya marka ay jirto nabad iyo wadajir.
”Gobol kani waxa waxa uu ka mid yahay gobolka ugu nabad-galyada badan Somaliland, wasiirka arimaha guduhuna golaha wasiirada warbixin buu siiyaa gobolada laga soo diray, gobolka Selel waligii fidno, dhibaato iyo amni-daro lagama soo diwaangalin”ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Somaliland ayaa shacabka Saylac iyo guud ahaan kuwa gobol kaba ku ku tilmaamay in ay yihiin dad ilbaxa oo nolosha fahansan, waxa kale oo uu intaa ku daray wasiir Cabdale inay reer Saylac yihiin dad leh xadaarad soo jireena, taariikhda magaalada Saylacna ay tahay mid dadku wada ogyihiin.
Taariikho badan ayaa cadeeya in Magaalada Saylac xarun u ahaan jirtay boqotooyooyin oo mid walba wakhti gaar ah ka talin jirtay halkaasi, magaaladan xeebta cidhifka ku haysa ayaa ah meel ay soo mareen ilbaxnimooyin muddo dheer ku qotoma.
Wasiir Cabadale Maxamed Carab Sandheere ayaa sheegay in waftiga uu hogaaminayo ee uu madaxwayanah Soamlailand halkaasi u diray safarkood ay qayb ka tahay in la hubiyo amnigeeda iyo horumarkeeda lana dhagaysto baahiyaha aas aasiga ah ee ay qabaan bulshadu taasi oo xubin kasta oo ka mid ah weftiga uu si gaar ah diirada u saarayo baahida adeeg ee ka jirta Saylac oo Hay’adda uu masuulka ka yahay ka mid ah shaqada ay qarankan uga hayso dalka.
Wasiirka ayaa halkaas ka balan-qaaday in baahiyaha ay halkaasi ay ka diwaan galiyeen qayb ka mid ah ay fulinayaan muddada ay salac ku sugan yihiin, halka uu inta kale sheegay inay la imaan doonaan hargaysa si talo qaran looga yeesho oo xal u helideeda dawlada dhexe wax iska waydiiso sidii loo fulinlahaa.
”Saldhigii shalay ayaanu dhagax-dhignay waa muraayadii amniga laba bilood gudahood inuu ku dhamado ayaan rajaynayaa, xaruntii gobolkana dhagaxii ayaanu dhignay, wax yaabaha kale oo ay dadku aad uga cabanayaan waxa ka mid ah doonyihii halka ka kaluumaysan jiray, anagoo wax ka qabana mooyee ka tagimayno”ayuu yidhi wasiir Cabdale Sandheere.
Wasiirka ayaa shacaka Selel ugu bushaareeyey in xukuumada Somaliland ee uu hogaaminaya Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdlilaahi Ciro gobolka ka hirgalinayso mashruucii ugu waynaa Somaliland, ka ugu wayna yahay wadada isku xidhi doonta Boorama ilaa Lawyo-cado oo ku taal xuduudka ay wadagaan Somaliland iyo Jabuuti kaasi oo ah baahida ugu wayn ee ay qabaan dadkaasi hirgalinteeduna ay ka dhigan tahay Somaliland oo la dhisay qayb ka mid ah isla markaana meesha ka saaraysa caqabad soo jireen ah oo gaadiid, dad iyo duunyaba dhiigbax ku ahayd.
Wasiirka oo hadlakiisu u badnaa ka hadalka Nabada iyo dhinaca mashaariicaha horumarineed ayaa waxa uu shacabka ku waaniyey inay ka fogaadaan waxkaste oo khilaaf keenaya, khalkhal galinaya amniga isla markaana caqabad ku noqonaya horumarka gobolka.
Bilihii u dambeeyey ayaa magaalada Saylac waxay martigalinaysay khilaaf soo kala dhexgalay bulshada halkaasi dagan kaasi oo salka ku hayey ka dib markii uu soo baxay in magaalada lagu qaban doono bandhiga Buug la magac baxay Buuga Xeer Ciise, kaasi oo ahaa sababta ka dambaysay weftiga uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo amnigu inay halkaasi tagaan.
Intaas ka dib maalintii khamiistii 13 bisha November ayaa ay ahayd markii Xukuumadda Somaliland si rasmi ah ugu dhawaaqday in la joojiyey xafladdii lagu qabanayay magaalada Saylac ee gobolka Salel laguna soo bandhigayay Buugga Xeer-ciise, kaas oo muddooyinkii u danbeeyey khilaafaad iyo xiisad ka taagnayd qabashadiisa.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, guddoomiyaha gobolka, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo laamaha ammaanka ayaa shir ay ku yeesheen Saylac waxay ku dhawaaqeen go’aankaasi, iyaga oo sheegay, waxa kale oo ay sheegeen in la xaliyey badiba shaqaaqooyin iyo khilaafaadka ka jiray mudooyinkii dambe gobolada Awdal iyo Salel.
Go’aamada xukuumaddu ka soo saartay ayaa waxay u dhignaayeen sidan:
1- In xukuumaddu joojisay xafladdii lagu qabanayay magaalada Saylac ee xarunta gobolka Awdal markii ay la tashadeen dadka deegaanka, waxgaradka iyo dhalinyarada sidoo kale ay baadhis sameeyeen.
2- In go’aankan ay soo saareen aanu ahayn mid lagu raaligalinayo beel, laguna fogeynayo beel kale, waxaa se loo raacay dhanka nabadgaliyada, xasiloonida iyo qaranimada Somaliland.
3- Waxa digniin loo direy cid kasta oo ku kacda falal lagu kala qaybinayo bulshada walaalaha ah ee nabadgaliyada ah.