Wasiirka Dowladaha Hoose: Burco iyo Wajaale Waxaa Laga Hirgelinayaa Mashruucyo Maareynta Qashinka

Tuesday March 10, 2026 - 14:58:46
HADHWANAAGNEWS
Qashinka oo Laga Dhigayo Khayraad Dhaqaale



Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in dhawaan laga hirgelin doono magaalooyinka Burco iyo Wajaale mashaariic waaweyn oo lagu maareynayo qashinka, si xal waara loogu helo dhibaatada qashinku ku hayo bulshada iyo bilicda magaalooyinka.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in qorshahan uu yahay mid cusub oo lagu doonayo in qashinka laga dhigo khayraad dhaqaale, halkii uu ahaan lahaa dhibaato deegaanka ku ah. Waxa uu xusay in dhowaan labada magaalo la geyn doono mashiinno casri ah oo qashinka dib u warshadayn kara.

 

Qashinka oo Laga Dhigayo Khayraad Dhaqaale

 

Wasiirku wuxuu tilmaamay in mashiinnada la keeni doono ay awood u yeelan doonaan:

 

kala saaridda qashinka

 

dib u warshadaynta balaastiigga iyo walxo kale

 

iyo in laga soo saaro waxyaabo ganacsi ahaan loo isticmaali karo.

 

Wuxuu yidhi:

 

"Burco iyo Wajaale waxa ka bilaabmaya oo aan seeska u dhignay maareynta qashinka. Ilaa wakhtigii Ingiriiska ee magaalooyinkeenu samaysmeen qashinkeena xal buuxa looma helin. Laakiin hadda qashinku wuxuu noqonayaa qayb ka mid ah dhaqaalaha dalka, qofkuna xitaa caagaha biyaha uu cabo wuu miisaami doonaa.”

 

Mashiinnada oo Dhawaan La Keenayo

 

Wasiirku wuxuu sheegay in mashiinnada maareynta qashinka dhawaan la keeni doono, isla markaana la rajaynayo in bil gudahood la furo xarumahaas si ay u bilaabaan shaqada.

 

Mashruucan ayaa la filayaa inuu:

 

hagaajiyo nadaafadda magaalooyinka

 

abuuro fursado shaqo

 

isla markaana qashinka u beddelo hanti dhaqaale oo dalka dib ugu soo noqota.

 

Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho shaqo ku joogay magaalada Wajaale.

     
Loading...