HADHWANAAGNEWS
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa sheegay in guul laga gaadhay hub ka dhigista hubkii galay gacanta shacabka, taas oo uu sheegay inay ku timid dadaal ay hoggaaminayso xukuumadda Somaliland.
Wasiiru-dawlaha ayaa xusay in inkasta oo dalka uu ahaa mid nabdoon, haddana ay jireen dhibaatooyin ay ka mid yihiin abaaro iyo dagaallo ka dhacay deegaanno kala duwan, oo ay ku jiraan Ceerigaabo iyo Buqdharkey, halkaas oo uu sheegay in hubku gacanta u galay shacabka.
Dedal Amni oo Socday 8 Bilood
Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in muddo siddeed bilood ah ay si joogto ah ugu hawlanaayeen dejinta xaaladaha amni ee dalka, isaga oo tilmaamay in Madaxweynaha Somaliland uu muujiyay geesinimo iyo hoggaan uu ku bilaabay qorshaha hub ka dhigista, inkasta oo aanay jirin miisaaniyad gaar ah oo loo qoondeeyay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshahani uu ku guuleystay wada-shaqayn ay sameeyeen dhammaan qaybaha bulshada, oo ay ku jiraan mucaarid iyo muxaafid.
Wada-shaqayn Bulsho oo Keentay Guul
Wasiiru-dawlaha ayaa sheegay in wada-shaqayntaasi ay dhalisay guul amni oo muuqata, isla markaana ay Somaliland maanta leedahay nidaam iyo xasillooni ay ku daydaan dalal kale.
Wuxuu yidhi:
"Siddeed bilood xafiis maan fadhiisan; marna galbeed baan u socday marna bari. Maalintii uu xilka la wareegay Madaxweynaha dagaallo ayaa ka dhacay Ceerigaabo iyo Buqdharkey, hubkuna shacabka ayuu galay. Laakiin Alle wuu inagu guuleeyay, arrintaasna waa mid ay bulshadu si wadajir ah uga shaqeysay.”
Ugu dambayn, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in guusha laga gaadhay hub ka dhigista ay muujinayso in Somaliland tahay dawlad leh nidaam iyo xasillooni, taas oo uu sheegay inay mudan tahay in dalal kale ku daydaan.