HADHWANAAGNEWS
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa magaalada Berbera ka daah-furay tababar heer
sare ah oo lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha Agaasimayaasha Waaxyaha
Wasaaradda.
Tababarkan oo uu soo agaasimay Mashruuca ISEGP, isla
markaana uu taageerayo Bangiga Horumarinta Afrika, ayaa diiradda saaraya
horumarinta awoodda maamulka iyo dardargelinta waxqabadka wasaaradda.
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu xusay in tababarkani leeyahay
muhiimad gaar ah, isagoo tilmaamay in uu door weyn ka qaadan doono tayeynta
shaqada iyo kor u qaadista hufnaanta maamulka maaliyadeed.
Tababarku waxa uu si gaar ah u xoogga saari doonaa afar
qodob oo muhiim ah:
Hoggaaminta toosan iyo maaraynta isbeddelka
Isla-xisaabtanka iyo anshaxa shaqo ee maamulka maaliyadda
Qiimaynta shaqaalaha iyo kormeerka mashaariicda
Adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah sida IT iyo Garaadka
Macmalka (AI)
Wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii soo
abaabulay iyo kuwii maalgeliyay tababarka, isagoo ku booriyay ka qaybgalayaasha
inay si buuxda uga faa’iidaystaan.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa
sheegay in tababarkani yahay mid ku soo beegmay wakhti muhiim ah, isla markaana
mawduucyadiisu si toos ah ula xidhiidhaan shaqada maalinlaha ah ee
Agaasimayaasha, isagoo kula dardaarmay inay ilaaliyaan waqtiga kana
faa’iidaystaan fursaddan.
Dhankiisa, Maayirka magaalada Berbera ayaa ku amaanay
Wasaaradda Maaliyadda doorka ay ku leedahay kobcinta aqoonta iyo hirgelinta
nidaamyada casriga ah, isagoo xusay muhiimadda ay wasaaraddu u leedahay
horumarka qaranka.