hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay gurmad qaran oo lagu xalliyo colaadda ka taagan gobollada Awdal iyo Salel.
Wasiirku waxa uu ka digay in haddii dagaal kale dhaco uu sababi karo khasaare aad u badan, maadaama dhinacyadu ay si weyn isu diyaariyeen, taas oo sii kordhin karta halista xaaladda.
Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi:
"Maanta waxa la inooga baahan yahay gurmad qaran.”
Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo wax ku ool ah, si loo joojiyo colaadda loona xakameeyo xaaladda cakiran.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in xukuumaddu ka go’an tahay inay soo afjarto khilaafaadka iyo dagaallada ka jira gobolka, isaga oo xusay in dadaallo nabadeed iyo qorshayaal degdeg ah la wado.
Hadalka wasiirka ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in si mideysan loo wajaho xaaladda, loona dardargeliyo nabadaynta iyo gurmadka bulshada, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.