Buugga Miisaanka Cadaaladda iyo Muhiimadda Sharciga oo uu qoray Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ah mid ka turjumaya isbeddel muuqda oo ku wajahan fahamka, qiimeynta, iyo gorfaynta nidaamka cadaaladda ee Somaliland. Ma aha hadal siyaasadeed oo caadi ah, balse waa dhacdo waaqi ah oo leh aragti qotodheer iyo himilo fog oo dhisaysa mustaqbal ifaya oo caddaaladeed.
Buuggan waxa uu si cad u muujinayaa kartida hoggaamineed ee qoraaga, fahamka qotoda-dheer ee dhinaca sharciga iyo aqoonta taariikhda garsoorka Somaliland. Waxa kale oo buuggu ina tusayaa doorka siyaasadeed iyo aragtida hoggaamineed ee qoraaga, kaas oo u taagan dib-u-eegis iyo dib-u-habayn salballaadhan oo lagu sameeyo nidaamka caddaaladda, si loo hirgeliyo hannaan garsoor oo hufan, isla markaana dadweynuhu ku kalsoon yahay.
Jabinta Xayndaabka iyo Furitaanka Albaabka Cusub:
Buuggani waxa uu astaan cad u yahay jabinta xayndaab muddo dheer laga baaqsanayey, isaga oo furay albaab cusub oo Somaliland u suurtagelinaya dood qaran oo furan, dib-u-eegis dhab ah iyo qiimayn qoto-dheer oo ku saabsan hannaanka cadaaladeed iyo nidaamka garsoorka Somaliland.
Waa buuggii ugu horreeyey ee noociisa ah, kaas oo si cilmiyeysan, taariikh iyo aragti qoto-dheer ku dhisan u faahfaahinaya nidaamka cadaaladda ee dalka. Mawduuca uu diiradda saarayo buugani, sida sharciga, garsoorka, iyo awood qaybsiga, waa mid xasaasi ah, lagana baqo in si furan looga hadlo, gaar ahaan xilliyada siyaasadda adag.
Qoraaga buugga, Xirsi Cali Xaaji Xasan, isaga oo ka duulaya aragti hoggaamineed iyo ujeeddo qaran, wuxuu si geesinimo leh u jebiyey xayndaabkaas muddo dheer laga baqayay iyo aamusnaantii taagnayd. Buuggan ayaa abuuray saaxad cusub iyo madal wax-ku-ool ah oo lagu hirgelin karo doodaha lagama maarmaanka u ah dib-u-habaynta nidaamka dawladnimo ee Somaliland.
Arrintani waxay si gaar ah u kordhinaysaa halbeegga qiimaynta iyo aragtida bulshada reer Somaliland ee la xidhiidha miisaanka siyaasadeed iyo fahamka sharciyeed ee qoraaga, isaga oo kaalin muuqata ka qaadanaya jihaynta isbeddel dhab ah oo waara.
Aragti Siyaasadeed oo Cusub: Cadaalad iyo Qaanuun
Qoraagu wuxuu soo bandhigayaa aragti siyaasadeed oo aan hore loogu tijaabin Somaliland, isagoo si qoto dheer u falanqeeyay taariikhda garsoorka, caqabadaha jira, iyo baahida loo qabo dib-u-habayn sharciyeed oo sal-ballaadhan. Tani waa tallaabo siyaasadeed oo dhiirran, taas oo si geesinimo leh u taabanaysa lafdhabarta awood qaybsiga iyo dawladnimada. Buuggu wuxuu muujinayaa faham qaanuuni oo qoto dheer iyo rabitaan lagu abuuro hannaan garsoor oo madax-bannaan, hufan oo ay dadku ku kalsoonaadaan, kaas oo sal u noqon kara dib-u-dhis qaran oo caddaalad ku salaysan.
Himilo Qaran iyo Madax-bannaanida Fikirka
Hadalkii caan baxay ee qoraaga "Buuggan, Xisbigaygu uma qoolna, Dawladayduna uma qoolna” waxa uu muujinayaa madax-bannaanida fikirka, ujeeddo nadiif ah iyo himilo qaran oo ka baxsan xayndaabka xisbiyeed. Qoraaga ayaa muddo saddex sanno ku dhow geliyey qorista buuggan, isagoo ka adkaaday caqabado badan oo la xidhiidha mawduuca cusub iyo xog uruurinta xaddidan ee gudaha Somaliland. Taas awgeed, buuggu waa dhigaal lagu kalsoonaan karo oo lagu dhisi karo dood cilmiyeed oo mustaqbalka kaalin mug leh ka qaadan kara dib-u-habaynta nidaamka garsoorka iyo sharciga.
Buugga Miisaanka Cadaaladda iyo Muhiimadda Sharciga waa dhigaal iyo dhaxal qaran oo ka dhashay hal-abuurnimo, aragti qoto dheer, iyo damqasho qaran oo ku aaddan baahida Somaliland ee nidaam cadaaladeed oo hufan. Qoraaga buugga, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu qaaday tallaabo aan sahlanayn oo aanay cid waliba ku dhiirran Karin, isaga oo si cilmiyaysan, xor ah oo aan leex-leexad lahayn u lafa guray mid ka mid ah tiirarka ugu adag ee dawladnimada.
Dulqaadka, go’aanka iyo u heellanaanta uu Xirsi Cali Xaaji Xasan muujiyey intii uu qorista buuggan ku jiray, waxay si cad u caddaynayaan inuu yahay siyaasi leh damiir qaran, faham qaanuuni ah, iyo maskax u diyaarsan hogaaminta mustaqbalka. Maaha oo keliya siyaasi hadal jeediya, balse waa hoggaamiye qora, falanqeeya, aragti dhisa, isaga oo si dhab ah ugu dan leh toosinta bulshada iyo jihaynta qaranka ee dhabbaha dawladnimo casri ah oo ku dhisan caddaalad iyo hufnaan.
Buuggan ayaa ah dhigaal taariikhi ah oo markhaati ka ah in Somaliland leedahay siyaasi ku hubaysan karti, aqoon, fikir xor ah iyo hilaadinta mustaqbal waara. Waa buug muujinaya in qoraagu yahay hoggaamiye dhab ah, isla markaana u qalma hoggaaminta iyo mas’uuliyad qaran.
Qiimayn Qaran: Aragtiyo Madaxbannaan iyo Markhaatiyo Culculus
Wasiirka Cadaaladda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa ku tilmaamay buuggan mid leh qiime cilmiyeed oo sare. Isagoo yidhi: "Waa markii koowaad ee qoraal laga qoro nidaamka cadaaladda. Buuggani wuxuu bixinayaa aqoon u dhiganta midda jaamacadeed.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Cabdicasiis Xirsi Warsame, kana tirsan guddida caddaalada Somaliland ayaa yidhi: "Markaan akhriyey buugga, waxaad moodaa in Guddoomiyuhu uu ka mid ahaa Guddiga Cadaaladda.” Hadalkan wuxuu markhaati u yahay fahamka iyo xog-ogaalnimada qoraaga.
Hadallada kale ee ka soo yeedhay Garyaqaan Mubaarig Aar, Xildhibaan Barkhad Batuun, iyo Farxaan Aadan Haybe waxay dhammaantood tilmaamayaan in buuggani yahay dhaxal siyaasadeed iyo cilmiyeed, kuna salaysan damiir qaran.
Gunaanad
Miisaanka Cadaaladda iyo Muhiimadda Sharciga maaha kaliya dhigaal ummadeed ama qoraal siyaasadeed, balse waa tallaabo qaran oo tilmaamaysa baahida Somaliland u qabto dib-isu-eegid qoto dheer oo nidaamka cadaaladeed ah. Buuggan wuxuu astaan u yahay hoggaamiye maskax iyo damiir leh, kaas oo u diyaarsan in uu qaado mas’uuliyadda hogaamineed ee qaran. Waxa uu noqon karaa xuddunta doodaha siyaasadeed, sharciyeed, iyo dimoqraadiyadeed ee sannadaha soo socda, isaga oo horseedi kara isbeddel aragtiyeed oo ku saabsan sida siyaasiyiintu ula dhaqmaan arrimaha caddaaladda iyo sharciga.