Dib-u-habaynta Cadaaladda Somaliland: Waa Himilada iyo Higsiga Xukuumada Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro

Thursday July 24, 2025 - 13:18:56
hadhwanaagnews
Wasiirku waxa uu iftiimiyay in kulanku ahaa mid shaqo oo si dhab...



Kullanka uu Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, la yeeshay Guddida Caddaaladda iyo Garsoorka ee Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu si cad u muujinayaa jihada cusub ee lagu hoggaaminayo nidaamka caddaaladda dalka, taas oo ah dariiq cad oo ku saleysan hufnaan, isbeddel iyo sinnaanta sharciga hortiisa.

 

Wasiirku waxa uu iftiimiyay in kulanku ahaa mid shaqo oo si dhab ah loogaga wada hadlay waxqabadkii u qabsoomay muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha dib-u-habaynta caddaalada Somaliland ee ay higsanayso wasaaraddu mustaqbalka dhow. Waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa isla xisaabtan iyo hufnaan hay’adaha dawladdu ku dhisan yihiin, iyadoo Wasaaradda Caddaaladdu la wadaagtay Guddida baarlamaanka xog rasmi ah qoraal iyo hadalba oo ku saabsan howlaha ay fulisay iyo himilooyinka horumarineed ee ay waddo.

 

Hadalka Wasiirka ee ku saabsan aragtida Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee ku wajahan caddaaladda, wuxuu xambaarsan yahay farriin qaran oo mug weyn leh: "Miskiinka iyo taajirka waa inay caddaaladda u sinaadaan.” Mabda’aasi waa tiir-dhexaadka dowladnimo sax ah, waana asaaska lagu dhiso kalsoonida iyo waddaniyadda bulsho, nabad iyo horumar. Caddaalad aan eex lahayn oo xor ka ah faragelin siyaasadeed, ayaa ah mid muujinaysa yoolka iyo horumarka ballaadhan ee ay higsanayso wasaaradda caddaalada Somaliland, taas oo hirgelinteedu ay tahay minqiyaaska iyo halbeegga ay dadweynuhu ka dheehan karaan isbeddelka nololeed iyo mid caddaaladeed.

 

Wasiir Yoonis wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in wasaaradda caddaaladdu ay matalayso sharciga dalka, isla markaana ay tahay hay’adda uu Madaxweynaha u igmaday hagidda iyo hirgelinta dib-u-habaynta garsoorka. Tani waxay si cad inoo tusaysaa in xilka ay hayso wasaaraddu uu yahay mid masuuliyad qaran xambaarsan, waxaana looga baahan yahay in ay noqoto laf-dhabarta dib-u-dhiska kalsoonida dadweynuhu ku qabo hay’adaha sharciga.

 

Caddaaladdu waa furaha dawlad wanaagga, waana tiirka ugu weyn ee xasilloonida siyaasadeed iyo midda bulshada. Haddii bulshada rayidka ahi dareento in sharcigu yahay mid ay u wada siman yihiin, isla markaana ay tahay meel cadaalad loogu helo dulmanaha, isla markaana lagaga difaacayo dulmiga, taasi waxay si dhab ah u xaqiijinaysaa in garsoorka dalku noqonayo madal lagu abuuro kalsoonida bulshada iyo dhismaha mustaqbal xasiloon.

 

Wasaaradda Caddaaladdu waxay hadda taagan tahay meel istiraatiiji ah, waxaanay muddooyinkii ugu dambeeyay dedaal badan gelisay abuurtista fursad lagu dhisayo nidaam caddaaladeed oo lagu faani karo. Tallaabada uu Wasiirka Caddaaladdu ku muujiyay isla xisaabtanka iyo diyaar u ahaanshaha dib-u-habayn cadaaladdeed iyo sharci, waa arrin mudan in lagu bogaadiyo.


     
Loading...