Warqad Ku Socota Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan.

Thursday December 11, 2025 - 19:11:24
hadhwanaagnews
Mudane madaxweyne Cabdiraxmaan


QORAAL KU WAJAHAN WASIIRKII HORE EE GAASHAANDHIGGA SOMALILAND
CabdiQani Maxamuud Caateeye

Mudane madaxweyne Cabdiraxmaan

Qaranimada Somaliland waa geed dheer oo lagu waraabiyey dhiig, dulqaad, iyo halgan jiilal badan soo maray.
Waa dhaxal aan lagu ciyaari karin, laguna aamini karin qof kasta oo aan u istaagin ilaalinteeda, horumarinteeda, iyo sumcaddeeda caalamiga ah.

Waxaa la wada ogsoon yahay in sanadkii 2024-kii uu xilkii ka tegey wasiirkii Gaashaandhiga ee Somaliland xilli uu jiray heshiiskii MOU-ga ee Somaliland iyo Ethiopia, heshiis uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku sheegay mid fure u noqon kara koboca dekedaha berbera, dhaqaalaha, iyo istaraatiijiyadda gobolka. Halkii uu ka noqon lahaa tiir difaac u ah qarankiisa, waxaad doortay in uu ka hor imaaddo, oo uu taageerto mowqifkii dalka Jabuuti ee ku iclaamiyey dagaal siyaasadeed iyo diploomaasiyadeed ee ka dhan ahaa Somaliland.

Waxa uu markaas Ethiopia ku tilmaamay cadaw, isagoo og in Itoobiya tahay waddan daris la ah oo Somaliland xidhiidh istaraatiiji ah la leedahay. Taasi waxay ahayd hadal dhaawacaya danaha qaranka, dhaawacaya sumcadda Somaliland, dhaawacaya mustaqbalka dekedaha Somaliland, isla markaana dhiirrigelinaya kuwa aan rabin in Somaliland horumar gaadho.

Mudane Madaxweyne Cabdiraxmaan.

Qof si cad uga hor yimid horumarka Somaliland, ugana shaqeeyey in la wiiqo heshiiskii dekedda Berbera,
ma aha qof loo dhiibi karo hogaaminta iyi gudoomiyaha magaalada Berbera oo ah halbowlaha dhaqaalaha Somaliland, iyo deked ay maalgelin ballaadhan ku samaysay dawladda Imaaraadka Carabta UAE .

Mudane Madaxweyne
Magacaabistaada waxay ka hor imanaysaa:

- Horumarka dekedda Berbera
- Istaraatiijiyadda Somaliland ee gobolka
- Kalsoonida UAE ee maalgashiga
- Xusuusta dadweynaha ee mowqifyadii uu hore u qaaday

Waa qalad siyaasadeed oo muuqda, waana mid dhaawacaya sumcadda maamulka iyo jihada qaranka.

Mudane Madaxweyne Cabdiraxmaan.

Xisbiga Kulmiye ayuu ka tirsanaan jiray, balse waxaad xilka uga tegey arrin ka hor imanaysa danaha Somaliland.

Maanta, in lagu celiyo mas’uuliyad ka weyn tii uu hore ugu fashilmay, waa su’aal u baahan in si qoto dheer la isweydiiyo.

Somaliland waxay u baahan tahay hogaan daacad u ah qaranka, aan hadalkiisa maanta iyo berri iska jor iman, aan afka cadawga ku hadlin, aan mowqifyo shisheeye ku shaqayn, oo aan marna ka hor iman horumarka ummaddiisa iyo dalkiisa Somaliland.

Ma cid kale ayaa la waayay?
Miyaanay jirin dad aqoon, daacadnimo, iyo qaran-jacayl leh oo Berbera hoggaamin kara?

Magacaabistaadu waa mid aan ku habboonayn xilligan, mana aha mid u adeegaysa danaha qaranka.

Waxaan kugula talinayaa in laga noqdo go’aankan, si loo ilaaliyo:

- Horumarka Berbera
- Kalsoonida maalgashadayaasha
- Midnimada bulshada
- Iyo sumcadda qaranka Somaliland .

Qaranku waa ka weyn yahay qof kasta, xil kasta, iyo dano kasta oo gaar ah.


Qalinkii: Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...