Somaliland oo Mar Kale Muujisay Bisayl Siyaasadeed iyo Wadajir

Wednesday July 16, 2025 - 14:01:21
hadhwanaagnews
Hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran waxay muujiyeen faham...



Kulanka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), la yeeshay hoggaanka sare ee saddexda Xisbi Qaran ee WADDANI, KULMIYE, iyo KAAH, ayaa ah tallaabo taariikhi ah oo dib u xaqiijinaysa bisaylka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada siyaasadeed ilaalinta masiirka qaranka, dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada dalka.

Kulankani waxa uu astaan u yahay in madaxda sare ee dalka Somaliland ay garwsan yihin muhiimadda ay qarankan u leedahay midnimada iyo wadajirka siyaasadeed, isla markaana danaha gaarka ah ee xisbinimo ay ka sarreyso kana weyntahay danaha qaranka Somaliland. Iyada oo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro tilmaamay in wada-tashiga joogtada ahi uu yahay tiir-dhexaadka dowladnimada, waana dariiqa kaliya ee lagu ilaaliyo wada-jirka ummadda iyo hufnaanta hannaanka dimuqraadiyadeed.

Hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran waxay muujiyeen faham qoto dheer oo ku saabsan doorkooda dastuuriga ah, iyaga oo caddeeyey in ay diyaar u yihiin wada-shaqayn, talo-bixin iyo in ay xukuumadda garab ku siiyaan go’aamada masiiriga ah ee khuseeya qaranka. Tani waxay muujinaysaa in Somaliland leedahay xisbiyo siyaasadeed oo ka bislaaday tartan keliya, una gudbay wadashaqayn iyo daryeel qaran.

Kulankani waxa uu si mug leh u cambaareeyey farogelinta cad ee Dowladda Muqdisho ka waddo bariga Gobolka Sool, taas oo horseedi karta qalalaase siyaasadeed, amni darro iyo colaad dhiig ku daato. Baaqii loo diray Beesha Caalamka wuxuu ahaa mid dublomaasiyadeed oo mas’uuliyad ku dhisan, kuna saleysan xaqa Somaliland u leedahay inay ilaaliso xuduudaheeda iyo xasilloonideeda.

Madaxweynuhu waxa uu kulankaasi kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in siyaasiyiinta iyo xisbiyadu yeeshaanwada-tashi joogto ah, si loo xoojiyohannaanka dowladnimo iyo dimuqraadiyadda. Waxa uu caddeeyey in xukuumaddiisu u furan tahaywada-shaqayn dhab ahoo lala yeesho xisbiyada mucaaridka ah, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan kara horumarinta dalka iyo ilaalinta masiirka qaran.

Hadalka Madaxweynaha ee ahaa in xukuumaddu diyaar u tahay wada-shaqayn dhab ah iyo wada-tashi joogto ah, waxa uu tilmaamayaa aragtida togan iyo farshaxanka siyaasadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Ciro ee la xidhiidha fahamka qiimaha ay leedahay talo-qaybsigu. Tani waa jihayn cusub oo siyaasadeed oo kor u qaadaysa kalsoonida shacabka ee nidaamka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka.

Midnimo Siyaasadeed iyo Is-afgarad Qaran

Kulankani waxa uu ka turjumayaa baahi qaran oo ah in xisbiyadu noqdaan laf-dhabarta ilaalinta qarannimada, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarinta nidaamka dawladnimo. Madaxweynaha oo doorkiisa qaran si mug leh u muujiyey, wuxuu fure u noqday waji cusub oo iskaashi siyaasadeed ah oo aan hore u dhicin, taasoo xisbiyada mucaaridka iyo muxaafidkuba si wadajir ah u qaateen masuuliyad dhammaystiran.

Gunaanad:

Isfahamka iyo wadajirka ka soo baxay kulanka Madaxtooyada JSL, waxa uu muujinayaa in Somaliland ka gudubtay marxalado siyaasadeed iyo aragtidii ku dhisnayd kaliya tartan iyo is cadaadin, isla markaana ay u gudubtay dowladnimo bisil oo ku dhisan midnimo, wadajir, masuuliyad iyo danta qaranka. Waa tallaabo guul u ah shacabka Somaliland, waana mid fure u ah in dalku uu si nabad ah uga gudbo marxaladaha doorashooyinka iyo caqabadaha mandqadda iyo amni ee ka jira gobolka.

     
Loading...