Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahi Axmed, ayaa si rasmi ah ugu hambalyeeyey Senator Ted Cruz oo ka tirsan xildhibaanada Aqalka Senate-ka Mareykanka, isaga oo ku ammaanay dadaalladiisa geesinimada leh ee ku aaddan taageerada aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiye Maxamed Kaahi ayaa uga mahadceliyey Senator Cruz mowqifkiisa cad ee garab istaagga shacabka reer Somaliland iyo qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, isagoo xusay in taageerada noocan ahi ay muhiim u tahay xaqiijinta himilada Somaliland ee ah helitaanka aqoonsi caalami ah.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu ku booriyey hay’adaha dowladda Mareykanka, sida Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, inay si rasmi ah u tixgeliyaan mowqifkan, taasoo ka tarjumaysa muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo taageerada caalamiga ah ee ummadda reer Somaliland.
Sidaana waxa lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, kaas oo ku qornaa luuqadda afka Ingiriisiga oo wargeyska Dawan turjumay nuxur ahaan, taas oo hay’adaha kala duwan dowladda Mareykanka lagaga codsaday in ay si rasmi ah u tixgeliyaan mowqifka Senator Ted Cruz.
Warqadda guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa xustay hogaaminta geesinimada leh ee Senator Cruz, taas oo lagu tilmaamay in ay jebisay caqabadihii diblomaasiyadeed ee muddada dheer jiray, iyadoo mudnaanta la siinayo caddeyn istiraatiiji ah halkii laga raaci lahaa hab-maamuus duugoobay. Sidoo kale warqadan ayaa lagu sheegay in qqoonsiga Somaliland uu yahay go’aan sax ah oo ku dhisan danaha wadaagga ah, xasilloonida, dimuqraadiyadda, iyo iskaashi lagu kalsoonaan karo, xilli Geeska Afrika iyo Badda Cas ay yihiin bartilmaameed muhiim u ah ammaanka iyo tartanka dhaqaale ee caalamka.
Warqadda ayaa sidoo kale sheegtay in aqoonsiga Mareykanka uu xoojin doono iskaashiga saddex arrimood oo muhiim ah: ilaalinta iyo xasiloonidda ammaanka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ballaadhinta ganacsiga sharciga ah iyo isku-xidhnaanta dhaqaalaha ee Geeska Afrika, iyo taageeridda iskaashiga gobolka ee wax dhisaya.
Sidoo kale warqadda ayaa lagu sheegay in diyaar-garowga Somaliland ee ku saleysan mabda’a iyo iskaashiga dalalka dimuqraadiga ah uu yahay mid muujinaya is-waafajinta qiyamka xornimada Somaliland, daahfurnaanta, iyo madax-bannaanida ee ay Mareykanku difaacaan. Ballan-qaadyadani waxay cadeynayaan in Somaliland aanay kaliya dalbaneyn aqoonsi; balse ay bixineyso iskaashi istiraatiiji ah oo ku dhisan qiyam wadaag iyo kalsooni labadaba.