Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Qunsulka guud ee Itoobiya

Wednesday August 20, 2025 - 17:41:39
hadhwanaagnews
Mas'uuliyiintu waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha istiraatiijiyadeed
May be an image of 3 people and text

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal), oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa maanta si rasmi ah kulan muhiim ah ugu yeeshay magaalada Hargeysa Qunsulka Guud ee Dawladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Danjire Teshome Shunbe.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka labada dal, iyadoo si gaar ah loogu lafa guray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda gobolka.

Mas’uuliyiintu waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha istiraatiijiyadeed ee iskaashi labada dhinac, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo xidhiidhka derisnimo ee taariikhiga ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii dardar geliyo wada shaqeynta labada dal, gaar ahaan xilligan ay gobolka ka jiraan isbeddelo siyaasadeed iyo dhaqaale oo u baahan iskaashi dhow iyo faham wadajir ah.

Danjire Teshome Shunbe, ayaa isna dhankiisa muujiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Somaliland, isagoo tilmaamay in labada dal ay wadaagaan dano badan oo ku saleysan xasilloonida gobolka iyo horumarka dhaqaale.
     
Loading...