Mashruuca Xoolo-naaxinta Balan-baal: Talaabo Muhiima oo lagu Taageerayo Horumarka Reer Miyiga Somaliland

Thursday August 21, 2025 - 11:49:55
hadhwanaagnews
Wasiirka oo si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka, ayaa intii uu halkaasi



Horumarinta nolosha reer miyigu waa furaha kobaca dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland. Mashruuca xoolo-naaxinta ee deegaanka Balan-baal ee gobolka Sanaag ayaa tusaale u ah sida ay xukuumadda uga go’an tahay in ay xal waara u raadiso nolosha xoolo-dhaqatada, gaar ahaan meelaha ay abaaruhu sida gaarka ah u saameeyeen.

13-kii August 2025, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Mudane Cumar Shucayb Maxamed ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka Balan-baal ee hoos yimaadda degmada Gar’adag. Ujeedada safarkaasi ayaa ahayd qiimayn dhab ah oo lagu sameeyo heerka uu marayo mashruuca xoolo-naaxinta ee halkaasi ka socda, kaas oo ah mashruuc ay xukuumadda Somaliland si gaar ah u danaynayso in uu qayb weyn ka noqdo taageerada nololeed ee xoolo-dhaqatada.

Wasiirka oo si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa la kulmay shacabka, maamulka degmada iyo isuduwaha wasaaradda ee gobolka Sanaag. Kulamadaasi waxa uu wasiirku ku caddeeyay in wasaaraddu ay mudnaan gaar ah siineyso fidinta adeegyada xanaanada xoolaha, gaar ahaan deegaanada ay abaaruhu ku habsadeen, si loo yareeyo saameynta adag ee cimilada isbeddeleysaa ay ku leedahay nolosha reer miyiga.

Mashruuca xoolo-naaxintu waa mid si toos ah uga jawaabaya baahiyaha aasaasiga ah ee xoolo-dhaqatada, waxana uu xoojinayaa nafaqaynta iy caafimaadka xoolaha, waxa uu kordhinayaa wax-soosaarka caanaha iyo suuq-geynta xoolaha, isla markaana waxa uu sare u qaadayaa dakhliga qoysaska reer miyiga ah.

Waxaa muhiim ah in mashaariican lagu saleeyay xog ururin dhab ah, la-tashi bulsho iyo dabagal joogto ah, si loo hubiyo in faa’iidada mashruucani ay si toos ah u gaadhayso dadka loogu talogalay. Kormeerka wasiirka ee Balan-baal wuxuu tusaale cad u yahay sida hoggaanka wasaaraadda xannaanada xoolaha Somaliland ay uga warqabaan baahiyaha dhabta ah ee nolosha dadka reer guuraaga ah iyo dhulka miyiga ah, waxaana la filayaa in la kordhiyo mashaariicda la midka ah ee wax ku oolka ah.

Gunaanad, mashruuca ka socda Balan-baal waa mid astaan u noqon kara siyaasadda cusub ee xukuumaddu ku doonayso in ay ku wajahdo wax-ka-qabashada dhibaatooyinka abaarta iyo xasaradaha cimilada. Haddii la joogteeyo taageerada noocan ah, waxa hubaal ah in la gaadhayo horumar dhab ah oo ay dadku dareemaan, laguna dhiso mustaqbal waara oo reer miyigu qayb buuxda ku leeyihiin.

     
Loading...