Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo si weyn u bogaadiyay Kulanka Madaxweyne Cirro iyo Ugaas Cabdirashiid

Tuesday September 09, 2025 - 12:02:57
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa sheegay in kulankani uu yahay mid ka tarjumaya
May be an image of 3 people, dais and text

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa si qoto dheer u bogaadiyay kulanka muhiimka ah ee dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, oo ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in kulankani uu yahay mid ka tarjumaya ilaalinta iyo xoojinta dhaqanka, gaar ahaan doorka ay madaxda dhaqameedku ku leeyihiin isu keenidda iyo midnimada bulshooyinka, taas oo, sida uu sheegay, aas-aas u ah horumar waara iyo xasillooni qaran.

Qoraal kooban oo uu Wasiirku ku faafiyay bartiisa Facebook, ayuu ku muujiyay sida uu ugu riyaaqay kulankaasi, isaga oo tilmaamay in siyaasadda ku dhisan ururinta haldoorka bulshada sida madaxda dhaqanka, culimada iyo aqoonyahanka ay tahay tiir-dhexaadka horumarka iyo midnimada ummadda.
Wasiir Yoonis ayaa hadalkiisa u dhigay sidan:

"Ururinta, kasbashada iyo isku haynta haldoorka ummadu waxa ay kaalin weyn ka qaadataa midnimada iyo horumarka bulshada. Siyaasadda ku dhisan ururinta haldoorka kala duwan ee dadyawgu leeyihiin sida madaxda dhaqanka, culimada iyo aqoonyahanka waxa ay horseedaa midnimo ummadeed, horumar bulsho iyo nabad waarta.

Waxa aan si weyn u bogaadinayaa una baarigayaa kulanka muhiimka ah ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, la yeeshay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi.

Tallaabadani waxa ay tusaale, marag iyo markhaati u tahay hal-ku-dhigga sumadda iyo calaamada u ah xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Cirro Wadajir iyo Waxqabad.

Ugu dambayn, Wasiirka Caddaaladdu wuxuu xusay in kulamada noocan oo kale ah ay yihiin kuwo si dhab ah u xoojinaya midnimada qaranka, isla markaana iftiiminaya jihada cusub ee xukuumaddu u qaaday – taas oo ah in la helo dawlad u dhaxaysa dhammaan shacabka Somaliland".
     
Loading...