Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta xasilloonida iyo amniga qaranka, iyada oo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdale Maxamed Carab, uu September 01 2025 xafiiskiisa ku qabtay shir la xidhiidha adkaynta amniga. Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex, Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Bini’aadantinimada iyo Agaasimaha Nabadgelyada ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa oo diiradda lagu saaray istaraatiijiyadaha lagu adkaynayo nabadgelyada gobolka Maroodi-Jeex, iyada oo la iska xogwaraystay caqabadaha jira iyo fursadaha lagu xoojin karo wada-shaqaynta hay’adaha amniga.
Kulankan waxa uu tusaale cad u yahay hab-dhaqanka dowlad wanaagga ee ay Somaliland ku kasbatay sumcadda heer caalami ah. Dedaalada ay hogaaminayaan madaxda sare ee dalka, gaar ahaan kuwa amniga, waxa ay muujinayaan in Somaliland ay tahay deegaan ay amnigu sal u yahay horumar waara, taas oo si cad u kobcinaysa kalsoonida bulshada gudaha iyo wada-shaqaynta ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah. Tallaabooyinkan wax-ku-oolka ah waxa ay daliil u yihiin sida Somaliland u tahay lama huraan nabadeed iyo dalka ugu xasiloon gobolka Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdale Maxamed Carab, ayaa si joogto ah kulamo istiraatiiji ah ula yeeshay guddoomiyeyaasha gobollada, guddiyada nabadgelyada ee heer gobol iyo degmo, iyo saraakiisha sare ee ciidamada kala duwan, kuwaas oo si gaar ah diiradda loogu saaro horumarinta iyo ilaalinta xasiloonida dalka.
Kulamadan ayaa noqday aalad muhiim ah oo lagu lafa-guro xaaladda amniga qaranka, iyadoo si gaar ah looga hadlayo xaaladaha isbeddelaya ee saameeya nabadgelyada, laguna dejiyo qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada iyo iskaashiga laamaha amniga ee heer qaran iyo mid degaanba.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulamo wadatashi ah la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin culimada waaweyn ee dalka, haweenka, dhalinyarada, iyo madaxda dhaqanka. Tani waxay xoojisay xidhiidhka u dhexeeya dowladda iyo bulshada, taas oo lagama maarmaan u ah horumarinta amni waara iyo abuurista kalsooni ballaadhan oo dhex marta shacabka iyo hay’adaha amniga.
Dareenka iyo feejignaanta ay muujinayaan hay’adaha kala duwan ee amniga iyo maamulka gobolka Maroodi-Jeex ayaa tusaale u ah sida Somaliland si firfircoon ugu hawlan tahay ilaalinta amniga iyo xasiloonida dalka. Iskaashiga ka dhexeeya xukuumadda, ciidamada, iyo bulshada rayidka ah ayaa ah aasaaska nabadgelyada iyo xasiloonida buuxdsa ee dalka Somaliland ku tallaabsaday.
Tallaabooyinkan joogtada ah waxay marag ka yihiin in Somaliland ay leedahay hannaan amni oo xasiloon, oo ku dhisan wada-tashi, feejignaan iyo qorshe siyaasadeed oo fog. Nabadgelyada ay maanta Somaliland ku faanto maaha mid si sahlan ku yimid, balse waa mid laga dhaxlay wada-shaqayn joogto ah, hogaamin masuul ah, iyo taageerada shacabka.