Is-beddelka Siyaasadda Arrimaha Dibada Maraykanka iyo Fursada Caalamiga ah ee Somaliland

Wednesday October 29, 2025 - 12:53:36
hadhwanaagnews
Doodaha iyo falanqaynta sii kordhaya ee warbaahinta caalamka ayaa muujinaya...



Warbaahinta caalamiga ah ayaa todobaadyadii u dambeeyay si weyn uga faalloonayay isbeddelka muuqda ee ku yimid aragtida siyaasadda dawladda Maraykanka ee Geeska Afrika. Warbixinadani waxay si cad u iftiimiyeen danaha sii kordhaya ee ay Washington ka leedahay Somaliland, oo ah dal istiraatiiji ah kuna yaalla marin-biyood muhiim ah sida Gacanka Cadmeed, Badda Cas, iyo marinada ganacsi ee caalamka.

Sidoo kale, waxay tilmaameen in Dekedda Berbera, oo ah marin xeebeed istiraatiiji ah oo ku yaalla Jamhuuriyadda Somaliland, ay noqotay meel si weyn u soo jiidatay indhaha quwadaha waaweyn ee caalamka, gaar ahaan dawaladda Maraykanka. Waxay tilmaameen in Dekeddani ay noqotay bartilmaameed muhiim ah oo ay si weyn u danaynayso Washington, maadaama ay tahay xarun leh qiime juquraafyadeed oo muhiim ah isla markaana bixisa fursado ballaadhan oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo tartanka awoodaha caalamiga ah.

Doodaha iyo falanqaynta sii kordhaya ee warbaahinta caalamka ayaa muujinaya xaqiiqo aan la dafiri karin: dedaaladii iyo taageeradii siyaasadeed ee Maraykanku muddada dheer siinayay dowladda Muqdisho ayaa fashilmay. Warbixinadani waxay sidoo kale tilmaameen in si karta oo taageero kasta oo ballaadhan loogu bixiyay la dagaallanka argagixisada, haddana aan lagu guulaysan in xataa Muqdisho lagu soo dabaalo amni iyo xasillooni siyaasadeed.

Sidaas darteed, Warbaahinta dunida ee arrimahani falaqaynta ka sameeyay waxay tilmaameen in Washington ay si muuqata dib u u eegis ugu samaynayso istaraatijiyaddeeda siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyadoo raadinaysa aragti cusub oo ku wajahan guud ahaan Mandaqada. Iyada oo isbeddelkan diblumaasiyadeed uu Somaliland siinayo boos cusub iyo fursad taariikhi ah.

Xukuumadda xilka haysa ayaa dhinaceeda qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaallada ictiraaf raadinta, iyadoo adeegsanaysa xeelad diblomaasiyadeed oo taxaddar leh, dulqaad siyaasadeed, iyo hannaan sharci oo ku dhisan nidaam iyo geeddi-socod diblumaasiyadeed. Dhanka kale, Maraykanku wuxuu muujiyay xiise iyo tixgelin cusub oo ku saabsan doorka Somaliland ee amniga gobolka. Somaliland-na waxay si cad u muujisay in ay tahay saaxiib lagu kalsoonaan karo, oo iskaashigeedu aanu ahayn "fursad ku-meel-gaadh ah,” balse ay tahay tahay dal istiraatiji ah, isla markaana ah lama-huraan mudan in la aaminao

Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Diblumaasi ah, waxay si xeeladaysan uga faa’iidaysatay fursadaha siyaasadeed ee caalamiga ah, sidoo kalena waxay si qoto-dheer u iib gaysay Nabadda gudaha, xasilloonida siyaasadeed, iyo muhiimadda istiraatijiga ah ee dalka, taas oo ka dhigtay goob ay si weyn u daneeyaan quwadaha caalamku.

Gabagabo

Maanta, indhaha quwadasha caalamku waxay si toos ah u hayaan muhiimadda juquraafiyadeed ee Somaliland iyo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Berbera, kaas oo ay dunidu u aragto furaha mustaqbalka amniga Badda Cas iyo ganacsiga caalamiga ah.

     
Loading...