Israel oo Dib u Aqoonsatay Somaliland, Iskaashi Istiraatiiji ah oo La Xoojinayo

Saturday February 21, 2026 - 13:04:18
HADHWANAAGNEWS
Taariikh iyo Dib-u-Aqoonsi



Muuqbaahiyaha Honest Reporting Canada ayaa warbixin ka sameeyay tallaabada ay dowladda Israel dib ugu aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo lagu tilmaamay mid leh miisaan istiraatiiji ah oo saameyn ku leh Geeska Afrika.

 

Warbixinta ayaa lagu wareystay Cumar Muuse Kaahin, oo ah aqoonyahan kana mid ah hormuudka jaaliyadda Somaliland ee Canada, kaas oo sharaxay in labada dhinac ay leeyihiin xidhiidh taariikhi ah oo soo jireen ah.

 

Taariikh iyo Dib-u-Aqoonsi

 

Warbixintu waxay sheegtay in Israel ay ahayd dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland markii ay qaadatay xornimadeeda 1960-kii, isla markaana ay mar kale dib u aqoonsatay 26-kii Diseembar 2025. Tallaabadan ayaa lagu micneeyay mid muujinaysa xiriir diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya.

 

Khayraad iyo Xasilooni

 

Cumar Muuse Kaahin ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay khayraad dabiici ah sida shidaal, gaas iyo macdan, isla markaana ay leedahay xuduud qeexan, shacab, ciidan iyo dowlad awood u leh inay gasho heshiisyo caalami ah.

 

Wuxuu intaas ku daray in 35-kii sano ee la soo dhaafay Somaliland ay dhistay nidaam dimuqraadi ah oo joogto ah, taas oo ka dhigtay dal xasiloon marka loo eego xaaladda guud ee gobolka.

 

Turkiga iyo Saameynta Gobolka

 

Isagoo ka jawaabaya su’aal la xiriirtay falcelinta Turkiga, Cumar Muuse ayaa sheegay in Ankara ay dan gaar ah ka leedahay Soomaaliya, isla markaana ay u aragto aqoonsiga Israel ee Somaliland mid wax ka beddeli kara miisaanka istiraatiijiga ah ee gobolka, gaar ahaan marinka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.

 

Iskaashi Dhaqaale iyo Maalgashi

 

Warbixinta ayaa xustay in Somaliland ay rajeynayso inay soo jiidato maalgashi ka yimaadda shirkadaha ganacsiga Israel, iyadoo la filayo in labada dhinac yeeshaan iskaashi ballaaran oo ku saabsan ganacsiga, amniga iyo horumarinta kaabeyaasha.

 

Tallaabadan ayaa la sheegay inay noqon karto mid wax ka beddesha isdhexgalka diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika, isla markaana sii xoojisa doodaha ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland.


     
Loading...