hadhwanaagnews

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Mudane Sharmaake Cabdi Muuse, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Liibaan Maxamuud Diiriye ayaa 25-kii October, 2025 guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda, kaas oo si joogto ah loogu qiimeeyo hawlaha shaqo ee ay wasaaraddu qaranka u hayso waxyaabihii u qabsoomay todobaadkaas, shaqooyinka iyo qorshayaasha hortabinta u leh wasaaradda. Wasiir ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud waxaa sidoo kale Shirkan ku wehelinayey Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan iyo Ku Xigeennadooda.
Shirkan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hannaanka maamulka iyo qorshaynta shaqo ee waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda. Intii uu socday shirkan toddobaadlaha ah ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, waxaa si qoto dheer loogaga hadlay laba arrimood oo muhiim ah oo sal u ah horumarinta qaybta kalluumaysiga dalka, kuwaas oo kala ah:
Wasiir Ku Xigeenka ayaa ku adkeeyay hawl-wadeenada iyo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda in hawlahaas muhiimka ah la dardar geliyo, si loo helo qorshe cad oo hagaya maamulka iyo kobcinta khayraadka badda, una suurtogeliya maalgashi waara iyo shaqo abuur joogto ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Liibaan Maxamuud Diiriye, ayaa isna dhiniciisa xusay muhiimadda ay leedahay in dhammaan waaxyuhu iska kaashadaan dhamaystirka siyaasadda iyo qorshaha istaraatiijiga ah, maadaama ay yihiin tiirarka ugu waaweyn ee lagu hormarinayo adeegyada iyo maareynta khayraadka badda ee dalka.
Shirka, waxaa lagu heshiiyey in la sameeyo jadwal hawleed cad oo lagu dardar gelinayo dhamaystirka dokumentiyada muhiimka ah ee Wasaaradda, iyadoo la hubinayo in la waafajiyo qorshaha horumarinta qaranka iyo himilada xukuumadda ee kobcinta dhaqaalaha badda iyo ka faa’iidaysiga Kalluumaysiga iyo kharaadka dabiiciga ah ee dalkeenu hodanka ku hayay.
Muhiimadda Siyaasadda Qaranka iyo Hagaha Maalgashiga Kalluumaysiga:
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ayaa dadaal xooggan ku bixineysa dhamaystirkaSiyaasadda Qaranka ee Kalluumaysiga (National Fishery Policy)iyoIstraajiyadda Wasaaradda (Ministry Strategic Plan), iyo sidoo kalediyaarinta Hagaha Maalgashiga ee qaybta Kalluumaysiga (Fishery Investment Guide). Labadan qorshe ayaa ah kuwo tiir u ah horumarinta khayraadka badda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Siyaasadda Qaranka ee Kalluumaysiga waxay dejinaysaa jihada guud ee maamulka iyo horumarinta kalluumaysiga dalka. Waxay saldhig u tahay in khayraadka badda Somaliland lagu maamulo hannaan daah-furan, caddaalad ah oo lagu gaadho horumar la taaban karo, iyadoo lagu saleeyo qorshe cad oo mideeya dhammaan hay’adaha iyo daneeyayaasha ku hawlan kalluumaysiga.
Muhiimadda siyaasaddaniwaxay tahay in la helo hannaan dowladeed oo mideysan, kaas oo xoojiya awoodda ilaalinta khayraadka badda iyo ka hortagga kalluumaysiga sharci-darrada ah.Faa’iidada ugu weynee ay u leedahay qaranka waa in ay fure u noqoto maalgashi iyo horumar dhaqaale, iyadoo la abuuro nidaam lagu kobcinayo wax-soosaarka kalluumaysiga, shaqo-abuurka, iyo dakhliga dalka.
Dhanka kale, diyaarintaHagaha Maalgashiga ee Kalluumaysigaayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee khayraadka badda Somalilanda. Hagahan ayaa ah aalad wax ku ool ah, isla markaana muhuumad weyn u leh maalgashiga khayraadka badda JSL, kaas oo fududeynaya xidhiidhka u dhexeeya dowladda, ganacsatada gudaha iyo maalgeliyeyaasha caalamiga ah.Muhiimaddiisaugu weyn ayaa ah in uu dhiirrigeliyo maalgashi ku dhisan mas’uuliyad qaran oo ilaalinaya deegaanka, isla markaana kobciya dhaqaalaha bulshada iyo qaranka ba. Sidoo kale faa’iidooyinkiisa waxaa ka mid ah in la xaqiijiyo korodhka wax-soosaarka kalluumaysiga, abuurista shaqooyin cusub, iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha sida dekedaha, qaboojiyeyaasha iyo warshadaha farsamaynta kalluunka.
Daah-furka Dib-u-eegista Hormo-gelinta Wadaagayaasha Wax-Soo-Saarka NDPIII:
Dhinaca kale, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sharmaarke Cabdi Muuse, ayaa 2-dii October 2025 daah-furay Kulanka Dib-u-eegista iyo Hormo-galinta Mudnaanta Wadaagayaasha Wax-soo-saarka ee ku jira Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad (NDPIII), kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka.
Kulankan muhiimka ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xaqiijinayo iskaashiga iyo isu-duwidda hay’adaha dowladda iyo kuwa ka shaqeeya horumarinta wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan qaybaha Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga.
Wasiir Ku Xigeenka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxaa kulanka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Axmed Cismaan, iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Muna Cabdi Axmed, iyadoo sidoo kale ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka socday hay’adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah ee wadaagayaasha wax-soo-saarka.
Kulanka Dib-u-eegista iyo Hormo-galinta Mudnaanta Wadaagayaasha Wax-soo-saarka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta iyo dib-u-eegista waxqabadkii Qorshaha Horumarinta Qaranka labaad (NDPII), xaqiijinta xogta iyo natiijooyinka la gaadhay, iyo soo saarista casharro iyo talooyin lagu xoojinayo Qorshaha Saddexaad ee Horumarinta Qaranka (NDPIII).
Intii uu socday kulanku, waxaa si faahfaahsan loogu lafo-guray: Dib-u-eegista waxqabadka iyo casharradii laga bartay NDPII; Kala hormarinta mudnaanta wadaagayaasha wax-soo-saarka ee Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga iyo Dhismaha hannaan lagu xoojiyo wadaagista xogta iyo isku-duwidda qaybaha wax-soo-saarka.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey qodobo muhiim ah oo lagu adkaynayo iskaashiga iyo isku-duwidda Wasaaradaha kala duwan iyo hay’adaha caalamiga ah, si wadaagayaasha wax-soo-saarku door muuqda uga qaataan sugidda cuntada, koboca dhaqaalaha dalka, iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad (NDPIII).
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Mudane Sharmaarke Cabdi Muuse, ayaa ku nuux-nuuxsaday in Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL ay ka go’an tahay in ay si buuxda uga qaybqaadato fulinta qorshayaasha horumarineed ee qaranka, gaar ahaan kuwa la xidhiidha kor u qaadista wax-soosaarka kalluumaysiga, shaqo-abuurka, iyo ilaalinta khayraadka badda.
Gunaanad:
Labadan qorshe ee muhiimka ah ayaa isugu jira dhanka siyaasadda iyo dhanka dhaqaalaha. Siyaasadda Qaranka ee Kalluumaysigu waxay dhiseysaa hannaanka iyo xeerarka lagu maamulo khayraadka, halka Hagaha Maalgashiguna uu dhiirrigelinayo in khayraadkaas si hufan loo maalgashado loogana faa’iideeyo bulshada Somaliland.
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxay u aragtaa in hirgelinta labada qorshe ay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo qaranka u horseedi doonta kobacdhaqaale, shaqo abuur, iyo ilaalin waarta oo khayraadka badda ah. Kuwaas oo dhammaantood gundhig horumarka mustaqbalka bulshada Somaliland iyo ka faa’iidaysiga khayraadkooda badda.
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland waxay had iyo jeer u heellan tahay ilaalinta, horumarinta iyo dhiirrigelinta maalgashiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, si ay door muuqda uga qaadato koboca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada Somaliland.