Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ayaa si weyn u ammaanay hoggaaminta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isaga oo ku sifeeyay in uu yahay hoggaan daacad ah, isla markaana ballanqaadkiisii siyaasadeed u beddelay waxqabad muuqda oo la taaban karo.
Ugaaska ayaa hadalkan ka jeediyey munaasibaddii xidhitaanka shirweynihii gogosha nabadda ee ka dhacay magaalada Ceerigaabo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Madaxweynaha Somaliland uu door muuqda ka qaatay hirgelinta nabadda, wadajirka, iyo mideynta aragtida bulshada gobolka Sanaag, taas oo suuragelisay in shirka gogosha nabadda ee uu dhigay uu guul weyn ku soo dhammaado.
"Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ballan qaaday nabad, waanu dhaqan geliyay. Ceerigaabo oo aynu maanta u joogno xidhitaanka nabaddii gobolka Sanaag iyo midho-dhalka gogoshii nabadda ee uu isagu dhigay. Taas oo ah midhaha dedaalkiisa. Waa hoggaan daacad ah oo qaranka u horseeday kalsooni iyo midnimo,” ayuu yidhi Ugaaska Guud.
Sidoo kale Ugaas Cabdirashiid waxa uu shaaciyay in isaga laftigiisa uu Madaxweynuhu uga yeedhay magaalada Jigjiga, isla markaana si sharaf leh loogu diray guddida nabadda, taasoo muujinaysa sida uu Madaxweynaha qaranka Somaliland u danaynayo in uu dhammaan bulshada reer Somaliland uga adeego xasilooni iyo wadajir.
Ugaaska guud ee Beelaha Samaroon wuxuu si cad u sheegay Madaxweynaha Somaliland ay garbihiisa istaagayaan oo ay la shaqaynayaan, gaar ahaan xoojinta nabadgelyada iyo dedaalka dhinaca ictiraafka caalamiga ah, isaga oo xusay inuu diyaar u yahay inuu arrintaas si weyn ugala shaqeeyo madaxweynaha isla markaana uu u raacayo ilaa dalka Maraykanka.
"Waxaan idiin ballanqaadayaa Ictiraafkii gacanteena ayuu ku jiraa, Madaxweynaha waan la shaqaynayaa, waan la socdaa, wax walba wuu ila wadaagaa, barwaaqo iyo nabadgelyo ayaa inoo soo socota,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Ugaaska ayaa ugu dambayn ugu baaqay dhammaan shacabka Somaliland, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Bariga iyo Galbeedka, in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta nabadda, kana hortagaan cadowga Somaliland. Sidoo kale waxa uu bulshada ku bayaamiyay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo midnimada shacabka, madaxda iyo dhaqanka Somaliland. "Somaliland mid ah, shacab mid ah, madax mid ah, dhaqammo mid ah waa guusha ugu weyn. Waa inaan wadajirkeena xoojinnaa, cadowgana hal meel uga soo wada jeesannaa,” ayuu ku soo afmeeray hadalkiisa.