Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ah Suldaanka guud ee beelaha Warsangeli ayaa si qoto-dheer uga hadlay muhiimadda wadajirka iyo wada noolaanshaha, isaga oo tilmaamay in in Ceerigaabo ay tahay magaalo ay wada leeyihiin dad walaalo ah, isla markaana aanay suuragal ahayn in cid gaar ahi ka maqnaato geeddi-socodka nabadda. Isaga oo a hadal dardaaran iyo mahadnaq isugu jira u jeediyey ka qaybgalayaashii shirweynaha nabadda, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Suldaanku waxa uu bulshada gobolka Sanaag iyo guud ahaan shacabka reer Somalialnd ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan ilaalinta nabadda, dib-u-dhiska kalsoonida bulshada, dhowrista sharafta deegaanka iyo horumarka gobolka iyo ka magaalada Ceerigaabo. Wuxuu xusay in nabaddu ay tahay mas’uuliyad wadajir ah oo saaran dhamaan bulshada JSL, isla markaana aanay ahayd masuuliyad ay cid gaar ahi xambaarsan tahayn.
Suldaanku waxa uu si gaar ah u boggaadiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo xukuumaddiisa wadajir iyo waxqabad, isaga oo ku ammaanay doorka shariifka ah ee nabadaynta gobolka Sanaag, waxxaanu yidhi "Waxaan bogaadinayaa oo aan halkan ka salaamayaa Madaxweynaha Somaliland oo isagu suurageliyay kulankan balaadhan ee halkan ka dhacay, isaga oo nabada kow ka ahaa, gogoshana nabaddana dhigey, xukuumaddiisa iyo raggii kala shaqeeyay ee ay ka midka ahayeen guddidi aanu soo magacowney iyo kuwii madaxweynuhu soo direya iyo dhammaan raggii ka qayb qaatay hawshaasi nabadeynta.”
Suldaan Siciid wuxuu si cad u muujiyay in degmada Ceerigaabo ay tahay magaalo la wada-leeyahay oo ay wada degaan dad walaalo ah, isla markaana aanay jirin cid gaar ah oo xaq u leh inay ka maqnaato geeddi-socodka nabadda. Sidoo kale waxa uu baaq nabadeed u diray cid kasta oo wali ka maqan gogosha nabadda, isagoo ku boorriyay inay si nabad ah uga mid noqdaan dadaallada nabadda ee lagu ilaalinayo wadajirka iyo nabadgelyada gobolka. Sidoo kale, wuxuu xusay in hoggaanka dhaqanku uu gudanayo waajibaadkiisa qaran, kana shaqeynayo danta guud ee shacabka, isagoo Alle ka baryay in deegaanku uu kusoo laabto xaaladdii nabadeed, walaaltinimo iyo sharaftii hore loogu yaqaanay, waxaanu yidhi "Ceerigaabo waa meel ay ku nool yihiin dad ehel ahi, cid gaar ah oo gooni uga maqnaan kartaana majirto, waxaan ugu baaqeyna cidda maqanna in ay si nabadgelyo ah inoogu yimaadan, isla markaana ay danteenu ku jirto in aynu dhinacyada wada qabano nabadgelyo caam ah, wanaagga dhexdeena iyo sharaftii deegaanka, oo aynu dib u soo celino sidii ay degmada Ceerigaabo inoo ahaan jirtay. Waxaan Alle ka rajeynayaa in aynu nabad isugu soo noqono gobolka Sanaag, waanan idiin duceynayaa.”
Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan waxa uu tilmaamay in dadaalka lagu xoojiyay nabadda gobolka Sanaag uu ahaa waajibaad qaran oo aan cid gaar ah loogu danaynayn, balse lagu hagayay danta guud ee dalka iyo dadkaba. Wuxuu xusay in waajibkii saarnaa ay gutaan, isla markaana ay diyaar u yihiin wixii dhiman dhamaystirkeeda, si gobolka Sanaag loogu soo celiyo nabad, walaaltinimo iyo isku duubni.
Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "In ayno nabadda xoojino oo aynu gobolka Sanaag nabad isugu soo noqono waajib aaanu qaadaney ayay ahayd, mid aanu cid gaar ah ugu daneynay may hayn, waxay ahayd arrin aanu ugu danaynayno dalkeena iyo dadkeena, waajibkayagii ayaanu gudaney wixii inoo hadhsanna diyaar ayaanu u nahay, waanuna dhammeystiraynaa.”
Sidoo kale, Suldaanka ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada gobolka Sanaag in ay hormuud ka noqdaan xoojinta nabadda, gaar ahaan odayaasha, cuqaasha, haweenka, dhallinyarada, salaadiinta iyo maamulka deegaanka. Wuxuu si cad u sheegay in nabadda Ceerigaabo ay tahay mas’uuliyad ay leeyihiin dadka deegaanku, isagoo hoosta ka xarriiqay in shacabka gobolka ay leeyihiin awoodda ay ku xidhaan, kuna xoojiyaan nabadda iyo midnimada deegaanka. Waxaanu yidhi "Qofkasta oo gobolka Sanaag ka mid ah waxaan ka codsanaya in hawshaasi aynu hormood u noqono, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa odayaasha iyo cuqaasha, innaga ayaa goyn karna oo xidhi karna nabada Ceerigaabo. Dhammaan waxgaradka, haweenka, dhallinyarada, salaadiinta iyo maamulka gobolka intaba waxaan ka codsanaya in aynu nabadgelyada hormoodka kowaad ka noqono.”
Hadalkan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, oo ka mid ah madaxda dhaqameedka ugu faca weyn Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan madaxda dhaqanka ee gobolka Sanaag, ayaa ahaa mid si qoto dheer u taabanaya muhiimadda nabadda, wadajirka iyo mas’uuliyadda guud ee ka saaran bulshada deegaanka ilaalinta midnimadooda.