Shirweynihii nabadda ee beelaha wada dega gobolka Sanaag, oo shalay si rasmi ah ugu soo xidhmay magaalada Ceerigaabo, ayaa astaan u noqday rejada cusub ee nabadda, midnimada bulsho iyo horumar loo dhan yahay oo ka hanoqaaday Jamhuuriyaddsa Somaliland. Shirkan oo muhiimad gaar ah u leh gobolka Sanaag, ayaa laga soo saaray qodobo cadcad oo xoojinaya wada noolaanshaha, nabadgelyada iyo taageerada dawladnimada Somaliland.
Waxaa si gaar ah u mudan in la xuso sida wadajirka ah ee beelaha deegaanka gobolka Sanaag ay isugu raaceen go’aan midaysan oo ku saleysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta walaaltinimada dhexdooda. Qodobada shirkan ka soo baxay waxay marag cad u yihiin in bulshada gobolka Sanaag ay diyaar u tahay inay ka gudubto khilaafaadkii hore, isla markaan ay u leexato dhabbaha nabadda, isfahamka iyo horumarka.
Sidoo kale, doorka dowladda Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ahaa mid muuqda oo qiimo leh. Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u dhigay gogosha nabadda taasoo laga gaadhay natiijooyin wax ku ool ah oo muujinaya biseyl siyaasadeed iyo damqasho qaran.
Shirweynahan Ceerigaabo waxa uu noqday bartilmaameed cusub oo lagu gaadhay is-afgarad, isku duubni iyo horumar bulsho. Waa tusaale ku dayasho mudan oo ay tahay in ay casharo ka bartaan beesha caalamka iyo hay’addaha daneeya arrimaha nabadaynta mandaqada Geeska Afrika, hannaanka ay Somaliland u maarayso khilaafaadka gudaheeda.
Sidoo klae shirweynahan nabadeed ee Ceerigaabo wuxuu muujinayaa tallaabo geesinimo leh oo Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somaliland ku hoggaaminayo ummada iyo qarankiisa, tallaabadaas oo si dhab loogu qaaday jidka nabadda iyo wadajirka beelaha gobolka Sanaag iyo guud ahaan Somailand, taas oo fure u ah horumar waara oo ku saleysan kalsooni, wada-shaqayn iyo dowladnimo loo dhan yahay.
Shirweynahan istaraatiijiga ah ayaa laga soo saaray qodobo cadcad oo muhiimad gaar ah u leh xoojinta nabadda, wadajirka iyo midnimada bulshada Somaliland. Qodobadan waxaa si rasmi ah warbaahinta ugu akhriyey Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada shirweynaha, ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland. Qodobada laga soo saaray shirweynaha waxay u dhignayeen sidan:
"1. In nabad iyo walaaltinimo lagu wada noolaado guud ahaan gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo iyo deegaanadeeda hoos yimaadda.