Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ah suldaanka guud ee beelaha Warsangeli, ayaa sheegay in uu si weyn uga shaqaynayo dhammeystirka iyo xidhitaanka nabad-gelyada gobolka Sanaag, isla markaana uu dhiirrigeliyo wadajirka, wada-noolaanshaha iyo mudnimada bulshada.
Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, iyada oo ujeedada safarkiisu ay daaranayd ka qayb galka shirka gobosha nabadeed ee ka furmay halkaasi, taas oo ah mid tallaabo qaran oo lagu xoojinayo wada noolaanshaha, isu soo dhowaanshaha iyo nabadgelyada dadka walaalaha ah ee ku wada nool gobolka Sanaag.
Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo hadal ka jeediyay munaasibad ballaadhan oo lagu soo dhawaynayay ayaa yidhi "Waxaan bogaadinayaa oo aan ka mahad celinayaa kulankan qiimaha badan ee aynu maanta ku kulanay oo aynu kaga wada-shaqaynayno oo aynu iskaga mid nahay nabadda gobolka Sanaag”
Suldaan Siciid ayaa bogaadiyay cid kasta oo ka soo shaqaysay gogosha nabadda Ceerigaabo, isaga oo Illaahay uga beryay in uu ajar ka siiyo dedaalkooda nabadeed, waxaanu yidhi "Waxa kale oo aan u mahad celinayaa cid kasta oo ka shaqaynaysay nabadda gobolka Sanaag, cid kasta oo iga oo horraysay iyo cid kasta oo ka shaqaynaysay arrintaas ba aad baan ugu mahad naqayaa."
Suldaanku waxa uu tilmaamay in uu si rasmi ah ugu soo biiray gogosha nabadda ee madaxweynaha Somaliland dhigay magaalada Ceerigaabo, isla markaana uu ka shaqayn doono dhammaystirkeeda, sidoo kalena uu madashaasi ku biirin doono talo iyo tusaale, waxaanu yidhi "Anaguna waannu idinku soo biirnay, wixii hadhsana dhammeystirkeeda iyo taladeeda ayaanu idinla garab galeynaa. Intii ka shaqeysay nabadda iyo ciddii u soo halgantay ba, Alle khayr haka siiyo.”
Hadalka Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan waxa uu si qoto dheer u muujinayaa doorka muhiimka ah ee odayaasha dhaqanku ku leeyihiin dhismaha nabadda, dib-u-heshiisiinta, iyo xoojinta wada-noolaanshaha bulshada deegaanka. Ka-qaybgalka Suldaanka ee gogosha nabadda Ceerigaabo waxa uu muujinayaa in nabaddu aanay ahayn oo kaliya mas’uuliyad dawli ah, balse ay tahay waajibaad guud oo ay u siman yihiin dhammaan qaybaha bulshada.