hadhwanaagnews
Duqa magaalada London Sadiq Khan, ayaa ka hadlay waxyaabaha ay iskaga mid yihiin isaga iyo Mamdani isagoo yidhi: "Reer New York waxay la kulmeen doorasho cad – oo u dhaxaysa rajo iyo cabsi – iyo sidii aan ku aragnay London in rajadu ay guuleysatay. ” Ilo ku dhow duqa magaalada ayaa sidoo kale is barbar dhig ku sameeyay diinta ay wadaagaan ee Muslimka ah iyo qaar ka mid ah weerarradii ay labadooduba kala kulmeen dhinacyada siyaasadda isku haya. Dhanka kale aqalka looga taliya ingiriiska ee Westminster, Xoghayaha Caafimaadka Wes Streeting ayaa ahaa wasiirkii ugu sarreeyey ee dawladda ka tirsan ee soo dhaweeya Mamdani. Waxa uu ku qoray barta X in ololaha Mamdani uu ahaa "dhiirigelin” iyo in ay jiraan "casharo loogu talagalay horumarka adduunka oo dhan”.
Mamdani ayaa ku guuleystay duqa New York
Zohran Mamdani oo 34 jir ah ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay duqa magaalada New York waana duqii ugu da’da yaraa ee soo mara magaalada. Trump ayaa ku hanjabay inuu jari doono dhaqaalaha federaalka ee magaalada York haddii Mamdani uu ku guuleysto doorashada, isagoo taageeray Andrew Cuomo oo si madax banaan u tartamayo. Mamdani waxa uu sidoo kale noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah oo magaalada ka noqda duq magaalo iyo sidoo kale qofkii ugu horeeyay ee xilkaas qabto oo ka soo jeeda Koonfurta Aasiya kuna dhashay qaaradda Afrika.